Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo sheegey in ay banaanbax nabadeed qaban doonaan hadii aan la helin wax k duwan waxa socda.

0
570

Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta ka sheegey munaasabad lagu weyneynayey 15ka may taas oo ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga DALJIR garabka dhalinyarada in ay ku dhawaaqi doonaan dibad bax nabadeed oo ka dhan ah hugaanka iyo xukuumada dalka.

Gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasadda soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga USP Siciid Jaamac Qorshel iyo xoghayaha guud ee xisbiga daljir,gudoomiye ku xigeenka xisbiga daljir Xasan Xaaji iyo madax kale oo madasha ka hadley ayaa dhamaantood sheegey in Qaranka soomaaliya uu god kusii dhacayo,loona baahanyahey in shucuurta iyo dareenka wadaninimo la muujiyo.

Madaxda madasha ka hadashey ayaa sidoo kale ugu baaqey ciidamada Amisom in ay banneeyaan Garoonka kubadda cagta ee stadio muqdisho,Jaamacaddii umaddaiyo kuliyadii saraakiisha ciidamada qalabka sida ee jaalle siyaad oo dhamaantood kamid ah fursadaha dhalinyarada soomaaliya.

Ugu danbeyntii madaxda isbaheysiga xisbiyada ayaa dhalinyarada soomaaliyeed uga digey TAHRIIBKA oo ay yiraahdeen waa nafti halig qofka tahriib dalka uga baxa,waxeyna ku booriyeen in ay dalkooda aaminaan dadkoodana la qeybsadaan dhib iyo dheefba,iyagoo hadaladooda kusoo gunaanadeyin ay qaban doonaan Bannaan bax nabadeed hadii hugaanka dalku aanu isbedel la imaan,waxaana goobta ka tumayey oo wacdaro ka muujiyey koox faneed uuhor kacayey fanaanka caan baxey AL-ustad SIDDII CALI WINKEY iyo fanaaniin kale.

tabaraksalaam bankbeco2