SHir calami ah lagagana hadlayo Aadannimada oo laga qeyb geliyey Soomaaliya.

0
572

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, ahna isku-duwaha duwaha gargaarka Aadaminimo ee Somalia, Peter De Clecq.

Xasan Sheekh iyo De Clecq, ayaa kulankooda kaga hadlay Shirka Caalamiga ee Arrimaha Gargaarka Aadminimada Caalamka oo Todobaadka dambe ka dhacaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Somalia oo ka mid ah Waddamada Shirkaasi ka Qayb-galaya, ayaa waxay kusoo Bandhigi doonta sida ay u socdaan hawlaha Gargaarka, iyo sida loo tayeyn karo gargaarka loo fidiyo Soomaaliya si ay saameyn waxtar leh ugu yeelato shacabka.

 

Kulankan Caalamiga ah ee ka dhacaya Istanbuul, ayaa waxaa lagu barbar qaban doonaan shir gaar ah oo lagu eegayo xaaladda aadminimo iyo samafalka Somalia.

Waxaa kaloo kulanka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, lagu soo Hadal-qaaday Qoxootiga Soomaaliyeed ee Caalamka ku baahsan, dhibaatooyinka tahriibka iyo sidii fursado dhaqaale iyo shaqo loogu abuuri lahaa Dhallinyarada iyo Dadka Barakaceyaasha ah.

salaam bankbeco2tabarak