Tuesday, August 4, 2026
Maxkamada sare ee Magaalada Mombasa ayaa xukun dil ah ku riday nin lagu soo eedeeyay in uu kadambeeyay dilkii loo gestay Gudoomiyahii hore ee Golaha Imaamyadda & Waacidiinta Kenya Sheekh Maxamed Idiris, wadaadkaas oo la sheegay sidoo kale inuu kasoo horjeeday olole la sheegay in al-Shabaab dhallinyaro u dagaalanta...
Madaxa Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee QM Sayid Racad Al-Xuseyn ayaa wuxuu weerar afka ah ku qaaday Musharraxa ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareynaka, Donald Trump. Al-Xuseyn ayaa sheegay in mushraxan doonaya inuu madaxweynaha ka noqdo Mareykanka uu gaysanayo xad-gudub. Isagoo sheegay inuu yahay ruux aad u taageersan jir-dilka iyo...
Hay'adda ICRC iyo Bisha Cas ee Somalia, ayaa sheegay inay 60,000 ruux oo ay abaaruhu saameyeen u qabisay Gargaar cunno ah oo isugu jiray; Bariis, Digir iyo Saliid kuwaas oo ku nool deegaanno ku yaalla Gobollada Waqooyiga Somalia ee ay abaaruhu ku dhufteen. Roobabka oo hoos u dhacay, ayaa sababay inay...
Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, ayaa maanta Mooshin ka keenay Shirka Jowhar ee maamulka looga dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo muran uu dhawaanahanba ka taagnaa. Mudanayaasha Mooshinkan keenay oo tiradoodu ahayd 42, ayaa dalbaday in dib loo dhigo shirka magaalada Jowhar ka socda, iyagoo sheegay inay jiraan cabashooyin...
Ciidan ka tirsan kuwa AMISOM ee ka Hawl-gala Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen Afar qof oo rayid ah oo ay ku jireen Haweeney waayeel ah iyo Gabar yar oo sagaal jir ahayd, kuwaasoo Gaari yar watay. C/waaxid Macallin Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta ayaa...
Kaddib, iska-horimaad maanta dad xoolo-dhaqato ahaa ku dhex-maray Deegaan hoos-yimaada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arrintan ka wada-hadlay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Waxgarad kasoo kala jeeda Beelaha uu dagaalku dhex-maray. Waxaa siddoo kale kulanka qeyb ka ahaa laamaha Amniga dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM...
Wafdigii Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe. Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey ku-xigeenkiisa, C/xakiin Cumar Cameey, Wasiirro, Xidhibaano iyo qaybaha Bulshada. C/weli Gaas, ayaa intaas kaddib ka Warbixiyey safarkii isaga iyo Wafdigiisu ay Muqdisho ku tageen, isagoo Xusay inay uga qayb galeen Kulankii Wada-tashiga...
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Khaatumo, Siyaasiyiin iyo Qaybaha Bulshada, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga soo hor-jeestay go’aannadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa kaloo looga hadlay Doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka iyo qaabka loo qaybsanayo xildhibaanada...
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho lagu qabtay, kaas oo looga hadlayay Doorashooyinka Dalka ka dhici doona Sannadkaan, ayna kasoo baxeen Go'aanno la xiriira Doorashooyinka. Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Wada-tashigii Muqdisho uu ahaa mid...
Shir jaraa'id oo maanta ay ku qabteen odayaasha-dhaqanka ee gobolka Hiiraan madasha uu ka socdo shirweynaha dib-u-hishiisiinta magaalada Beledweyne waxaa ay ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya in ay waqtigan ka shaaqeyneyso sidda ay hadalka u dhigeen colaad lagu dhax abuurayo bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan & Sh/dhexe. Odayaasha ayaa sheegay...