Tuesday, August 4, 2026
-Roobab mahiigaan ah yaa dhawaan ka daa'aaya Nairobi iyo qeybo badan oo Kenya ah. Roobka ayaa la sheegay inuu saamayn ku yeeshay nolosha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolka Soomaalidu dagto ee Waqooyi-bari Kenya. Waxaa lagu soo waramayaa in gawaari badan oo xamuul usiday magaalada Mandera ay ku xanniban...
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay in muddo laba bilood ah lagu kordhiyo xilliga ay dhacayso doorashada sannadkan 2016-ka la filayo inay dalka ka dhacdo, kaddib markii uu codsi Arrintaas ku saabsan uu u gudbiyay RW Somalia Cumar C/rashiid. RW Shama’arke ayaa sheegay inuu kala hadlay arrintan guddoonka baarlamanka Somalia,...
Sannad kasta marka la gaaro 01-da bisha May, Waxaa laga xusaa Caalamka oo dhan Maalinta Caalamiga ee shaqaalaha, waxay ururada shaqaalaha iyo xaqlayaasha oo ah dadka bixiya fursadaha shaqo ay sameeyaan munaasabado looga hadlay shaqaalaha iyo sida ay laf dhabar ugu yihiin hab-sami u socodka shaqada. Munaasabad lagu Xusayay Maalinta...
Iyadoo ay maanta ku beegan tahay 01 May, oo ah Maalinta Shaqaalaha Adduunka ayuu Madaxwaynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka jaray Xarigga Dhismayaasha Wasaradaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo Wasaraadda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxaana xafladdii Xariga looga jarayey ka qayb galay, wasiirrada wasaaradahaas Inj. Saalax Shiikh...
Kulanka ay maanta yeesheen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya,uuna shir gudoominayey Gudoomiyaha (I.X.S.S) Saciid Jaamac Qoorshel ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah,wuxuuna u qornaa warsaxaafadeedka ay soo saareen sidatan:-     Ref:    IXSS/XG/016/2016                                                                   Date: 1th May, 2016   Ku:  dhammaan Saxaafadda gudaha iyo dibadda   Ujeeddo:  Warsaxaafadeed Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed (IXSS), dabaal degga maalinta Shaqaalaha...
Haweeneyda ah Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan arimaha carruurta, Maryam Yaassiin ayaa sheegtay in dadka Kenyanka ah ay shaqooyin u doontaan Soomaaliya dabadeedna lagu soo jiido inay fuliyaan hawlo argagixisonimo.   Sidaa daraadeed waxay sheegaty in loo baahan yahay in shaqooyin Kenya gudaheeda looga abuuro si looga horjoogsado arintaas.   "Waa inaan dhallinyarada shaqooyin...
Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Jen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud) oo Maanta shir jaraa'id ku qabtey Garoowe, ayaa beeniyay in la dhacay gaari uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Jeneraal Af-guduud ayaa ku sheegay gaariga la dhacay in ahaa mid ka mid ah labo gaari oo dhawaan ay hay'adda OIM ay...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa xildhibaannada aan soo xaadirin kal-fadhigan Sideedaad uusan ka mid noqon doonin xildhibaannada baarlamaanka cusub ee lasoo dhisi doono, isla markaana ay u aqoosan doonaan xlidhibaan gudan waayay waajibaadkii Qaran ee la saaray. Afhayeenka Golaha Shacabka Somalia ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno badan...
Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta waxaa si rasmi ah uga billowday Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, iyadoo Shacabku ugu dareereen Qaadashada kaadhka codeynta. Mas'uuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran iyo madaxweynaha ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii qaatay kaadhka codeynta, kuwas oo dhamaantood soo dhoweeyey bilowga magaaladda Hargeysa  ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Madaxweynaha iyo Wasiiro la socday, ayaa...
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta hor-geeyay Baarlamaanka Federaalka Somalia Hannaanka Geeddi-Socodka Doorashada Soomaaliya ka dhici doona daba-yaaqada Sannadkan 2016. Sharma’arke oo khudbad uu ka jeediyay kulanka baarlamaanka, sharaxaad dheeraad ah uga bixiyay hannaankan doorasho ee ay xukuumaddu soo gudbisay, isagoo xusay in hannaanka Wada-tashi guud...