Monday, August 3, 2026
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirkii lagu soo Gunaanaday shalay Muqdisho ee lagu sheegay in Somaliland ay Madax-dhaqameedku ku meteli doonaan soo xulaan xildhibaanada Dowladda Federaalka Somalia, maadaama ay Somaliland xilligaan qayb ka ahayn Maamulada ku shiraya Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadaanni, ayaa sheegay inay dambiile qaran tahay qofkii...
Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro Askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ayaa ku dhintay, in ku dhaw Toban ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay Gudaha Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose. Nooca Qaraxan oo ay warar kala duwan...
Taliye ku xigeenka jabhadda mucaaradka ah ee Dalka Koonfurta Sudan, Alfred Lado Gore ayaa shalay ku laabtay Magaalada Juba, isagoo sheegay inuu Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar la filayo inuu Juba tago Isniinta soo foolka leh. Mucaaradka South Sudan ayaa magaalada xarunta ah ee Juba isaga cararay muddo haatan laga joogo...
Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia ayaa soo dhaweysay go'aannadii Mas'uuliyiinta Soomaalidu ee ku aaddan hannaanka doorashada sannadkan daba-yaaqadiisa ka dhici doonta Somalia. Kulan muddo Saddex Maalmood ah uga socday Magaalada Muqdisho ayay mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maalmul-goboleedyada dalku ku gaareen Heshiis wadajir ah oo la xiriira qaabka...
Kulan lagu taageerayay murashaxa xilka madaxweynenimada ee doorashada la filaayo in sanadkaan 2016 ay ka qabsoonto Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed,horayna u ahaa Wasiirkii Hore ee Qorsheynta ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay xaafada Eastleigh ee ay Soomaalidu u badan tahay ee Nairobi, Kenya. Shirkaan ayaa waxaa soo...
Waxaa goor-dhow lasoo gaba-gabeeyay shirkii madasha wada-tashiga doorashooyinka dalka ee Muqdisho ka socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo u dhexeeyay madaxda DFS iyo kuwa maamul-gobooleedyada dalka. HADDABA, War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga Doorashooyinka ee Muqdisho lagu qabtay ayaa wuxuu u Qornaan sidan: Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeeshay magaalada...
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen , ayaa maanta si rasmi ah dib u furay wajigii labaad ee Shirka Jowhar, kaasoo maamul loogu dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana bilihii u dambeeyay hakad ku jiray. Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxaa gaaray...
Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qar-jab oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in dadka jooga Puntland gabigood loo samayn doono sharci ay Puntland ku joogaan, ugana ganacsadaan. Qar-jab ayaa intaas ku daray in shacabka Puntland kasoo gala bad, berri & cir ay maraan laamaha amniga ee...
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 56-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, hogaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka, saraakiil iyo xubno kale. Xuskan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Ra'iisul Wasaare Cumar...
Ciidanka Amaanka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Gacan-ku-dhiigle oo meelo Magaalada Hargeysa ka tirsan ka geystay Dilal kala duwan ka geystay, isla markaana sharciga la horgeyn doono. Afhayeenka Ciidamada Booliiska Somaliland, Jen. Faysal Xiis, ayaa sheegay inay qabteen Ninkii Xaafadda Isha Boorama ee Degmada 31-ka May ee...