Maxkamad ku taal dalka Kenya oo afar qof kale kusoo oogtey denbi argagixiso.

0
517

Afartaas qof ayaa lagu qabtay magaalada Ceelwaaq  Kenya  oo ka tirsan degmada Mandheera. Dawlada Kenya ayaa shalay ku soo oogtay dacwado kale oo cusub oo gaaraya tiro ahaan 15 la-tuhunsaneyaashaas.

La-tuhunsaneyaashaa ayaa ah 4 dumar ah kuwaasoo markii hore lagu soo oogay dacwad ah inay xubno ka yihiin xarakada Shabaab.

Afartaas dumarka ah oo kala ah Ummulkheyr Sadri Cabdalla, Khadija Abubakar Cabdulqaadir, Maryam Saciid Cabuud iyo Xaliima Aadan ayaa markii ugu horeysay waxaa dacwadooda la dhageystay sanadkii 2014.

Markii ugu horeysay ee la qabtay ayaa sida hadalka loo dhigay waxaa lagu tuhmay inay damacsanaayeen inay u tillaabaan dhanacaa iyo Soomaaliya si ay uga garab dagaalamaan xarakatu Shabaab.

Dad badan oo la sheegay in lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin xarakatu Shabaab ama ay taabacsan yihiin ayaa dacwado lagu soo oogay gudaha Kenya tan iyo markii xarakatu Shabaab ay bilowday inay weeraro ka geysato gudaha Kenya sanadkii 2011 markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay ama geysay gudaha Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

tabarak234beco2salaam bank