Kulan
maanta ay ku yeesheen magaalada
Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoon-yahanno
iyo Odayaal-dhaqameed Waxay uga soo
Hor-jeestay Guddiga Doorashada Qaran
ee Dhawaan Magacaabay Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha ayaa shirkooda Jaraa’id ku
xusay in dhamaanba ay qaadacayaan
habka dowladda Federaalka Somalia u
Maamuleyso soo Xulista Xubnaha
Gobolka ku matalaya Aqalka sare iyo
kan Hoose ee lagu hishiiyay shirarkii ugu
danbeeyay madasha-wadda-tashiga
Qaran oo sidda ay hadalka u dhigeen
ilaa iyo hadda aan wax wadda tashi ah
lagala sameyn.
Ugu dambeyn, Shirk an Jaraa’id ayaa
kusoo beegmaya xili dhawaan
Madaxweyne Xasan uu soo saaray liiska
22-xubnood oo Noqonaya Guddiga
Doorashada Qaran, Waxaana Guddiga
Qayb ka ah Xubno ku Metelaya Maamul-
gobolleedyada dalka ka jira & Gobollada
Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo mid
xubin la siiyay.





