Dawladda Eritrea oo shaacisey in ay leysey boqolaal askeri Ethiopian ah dagaal ku dhexmarey xadka kala qeybiya.

0
704

Dawlada
Eritrea ayaa sheegtay in ciidamadeedu
dileen in ka badan 200 oo askari oo
Itoobiyaan ah, isku dhac dhawaan ka
dhacay xadka in badan lagu
muransanaa ee u dhexeeya labadaa dal
kadib.

Asbuucii hore ayaa iska hor imaad
dhacay waxaa labadaa dal midba midka
kale ku eedeeyay in ciidamadiisu ay
dhibkaa horseedeen.

Intii u dhexeysay sanadihii 1998 iyo
2000 ayaa waxaa halkaa ku dhex maray
ciidamada dalalkaa dirir ba’an.
Dhan walba wuxuu sheegay in dhanka
kale uu khasaare weyn gaarsiiyay. Si
kastaba ha ahaatee, marka loo eego
dhacdadii dhawaan dhacday, Itoobiya
kama aysan hadlin tirooyinka dadkii
halkaa ku naf waayay.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay
dawlada Itoobiya oo lagu magacaabo
Getachew Reda ayaa Salaasadii lasoo
dhaafay si guud u sheegay in khasaare
ba’an dhan walba uu la galbaday balse
khasaaraha ugu weyn uu gaaray Eritrea.
Wax maxaabiis dagaal ah lagama hadlin
innaba.

Xog-hayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon
ayaa ka dalbay labada dawladoodba
inay sida ugu weyn ee ay u awoodaan u
isticmaalaan xaddidnaan iyo inay ku
xallilaan xurgufta u dhexeysa si
nabdoon.

WARSOM2011@GMAIL.COM

tabarak234beco2salaam bank