Thursday, August 6, 2026
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid ALLAHA u naxariistee marxuum, Jen. Maxamed Cali Samatar oo Jagooyin Sar-sare kasoo Qabtay Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, xalayna ku geeriyooday dalka Mareykanka. Jen. Cali Samatar oo waddanka ksoo noqday Madaxweyne...
Maanta ayay ku beegan tahay 20ka Agoosto waaana maalinta caalamka oo dhan loo asteeyay la dagaalanka kaneecada. Kaneecada ayaa keenta ama gudbisa xanuuno badan sida cudurka duumada oo sanad walba dad aad u fara badan kulaaya caalamka. Maalintaan ayaa u dabbal dageeda lasoo bilaabay sanadkii 1897. Waxaa sidoo kale maalintaan oo...
Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday gobolka Virginia ee Mareykanka. Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa Allaha u naxariistee Soomaaliya kasoo qabtay xilal badan sida xilka Madax-weyne Ku-xigeenka, Raisul Wasaare iyo xilal kala duwan, ciidamada qalabka sida. Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa...
-Qaxooti badan oo kasoo kala jeeda dalal Afrikaan ah oo xirnaa ayaa lasii daayay dalkaasi Masar. Qaxootigaa oo ku xirnaa magaalada Alexandria ee dalkaasi Masar ayaa waxay kasoo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea. UNHCR ayaa xaqiijisay in dadkaas ay ugu diiwaan gashan yihiin sidii qaxooti oo kale. Sidaa...
Xog-hayaha arimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry ayaa asbuuca soo socda lagu wadaa inuu Kenya soo booqdo. Kenya ayaa ka mid ah 3 dal oo uu booqasho dhawaan kukala bixin doono John Kerry. John Kerry ayaa bishii 5aad ee sanadkii lasoo dhaafay sidoo kale mar soo gaaray Kenya. Dalalka...
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa cambaareeyey falkii Ciidamada Nabadsugidu ku galeen Idaacadda SHabeelle kaas oo aan waafaqsaneyn Qaanuunka dalka u yaal,taas oo caddeyn u ah xadgudubka bulshada loo geysto mar walba. Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Cali Maxamed Nuux timajilic oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in hey'adaha amnigu ay caadeysteen...
Cimraan Daqmiish oo ah wiil yar oo Suuriyaan ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn kadib markii gurigoodii lasoo duqeeyay oo uu ku dumay. Dhowr iyo afartan daqiiqo kadib ayaa laga soo saaray asagoo nool oo dhaawac ah halkaa isbitaalna loola cararay. Waxaa lala yaabay adkeysigiisa asagoo aan juuqna oran oohin iyo ilmo...
Ciidamada booliska ee Muqdisho Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof qarax lagu dilay  Muqdisho xalay. Booliska ayaa xaqiijiyay in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay loo adeegsaday qaraxa kaasoo kasokow qofka dhintay maahee dhowr qof  oo kale ay ku dhaawacmeen. Ilaa afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay...
Idaacada Shabeelle ayaa xalay saacado hawada ka maqneyd kadib markii ciidamada NISA ay yimaadeen amarna kusiiyeen muumulka in la damiyo. Mulkiilaha idaacadaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan NISA ay xalay halkaa yimaadeen ayagoo amar ku bixiyay in idaacada la xiro. Wuxuu intaa ku daray inay u sheegeen ciidamadaasi...
Kulankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee maanta oo uu shir-guddoominayay RW Xukuumadda Federaalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa waxaa looga Hadlay Qodobbo ay ka mid ahaayeen; Xaaladda Siyaasadeed ee dalka & daba-galka Hantida Qaranka. RW Sharma'arke, ayaa wuxuu warbixin la xiriirtay Xaaladda Siyaasadda ee Waddanka u soo gudbiyay golaha wasiirrada, isagoo...