Thursday, August 6, 2026
Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku Taalla Degmada Shingaani ee Muqdisho, waxaana madaafiicdani ay sababeen khasaare aan illaa hadda la ogeyn cadadkiisa. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay gudaha ugu dhaceen xarunta, waxaana sidoo kale la sheegay in garaash...
Hanti dhowraha Soomaaliya, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa kadigay in aan hannaan wanaagsan aan lagu wadin qaabka loo jarayo kaararka aqoonsiga ee dalka. Kaararka aqoonsiga ee dalka ama teesare minashiibiyaha ayaa haatan bixintiisu ka socotaa caasimada Muqdisho. Balse hanti dhowraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo oo horta...
Labo Qarax oo is-miidamin ahaa, ayaa Maanta ka dhacay Xarunta Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo, kaddib markii lagu weeraray gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, kaaso Qaraxyada lagu bilaabay. Qaraxa labaad oo khasaaraha badankiis geystay ayaa dhacay markii ay dad badan oo shacab ahi kusoo xoomeen goobtii uu qaraxii koowaad...
Khilaf ka dhashay qiimaha Cashuurta ayaa sababay in qof uu ku dhinto mid kalena ku dhaawacmo is-rasaasayn u dhexaysey Qaad-layaan iyo Ciidamada Booliiska garoonka diyaaraddaha ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Lama cadayn karo sababta keentay khilaafka soo kala dhexgalay Maaliyadda iyo mid ka mid ah shirkadaha keena qaadka...
Labo Qarax oo culus ayaa goor-dhaw ka dhacay dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay ka taliso Puntland, waxaana labadan qarax loo adeegsaday gaadiid miineysan. Guud ahaan Magaalada Gaalkacyo ayaa laga maqalay qaraxadan, kuwaasoo si aad ah ay shacabku uga naxeen maqalkooda, lamana oga khasaaraha Qaraxyadaan ka...
Magaalada Sanca ee Yemen waxaa ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeynta dalkaa ay ka wado dawlada Sacuudiga iyo xulufadeeda. Kumanaan qof oo mudaaharaadeyaal ah ayaa isugu soo baxay Sanca si ay dareenkooda u muujiyaan inay kasoo horjeedaan duqeynta aan naxariista lahayn ee arxan darrada ah ee...
Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel ay joogeen dad doonayay inay aroos ka qeyb qaataan dalka Turkiga. Ilaa 30 qof ayaa ugu yaraan ku naf waayay markii qofka naftii halligga ahi isku qarxiyay magaalada Gaziantep ee dhanka koofur-galbeed ee dalkaasi Turkiga. Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in...
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa kulan ay ku yeesheen maanta Muqdisho uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la dhisay 20-kii bishii Ogoosto ee Sannadkii 2012-kii. Iyadoo ay maanta ku eg-tahay xilligii jiritaankiisa oo Afar sano ahayd. Kulanka ay xildhbaannadu Muqdisho ku yeesheen Muqdisho oo ahaa midkoodii ugu dambeeyay...
Maamulka Puntland ayaa maanta la gudoonsiiyay 40-gaari oo kuwa booliiska ah, waxaana gaadiidkan ku deeqday Hay’adda SSF, waxaana maamulka Puntland gaadiidka guddoonsiisay Hay’adda DDG. Gaadiidkaan, ayaa loogu Deeqay Afar Degmo oo kala ah; Xarfo, Godob-jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku-shuban – Waxaana loogu talo galay in looga Shaqeeyo Arrimaha nabad-gelyada ee deegaanadaasi. Madaxweyne...
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka Somalia, iyagoo ku boorriyay Dowladda Soomaaliya inay ku qabato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha xilliga cusub ee loo qabtay. Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay ugu baaqeen shacabka inay Xukuumaddooda kala shaqeeyaan qabsoomidda doorashooyinka...