Friday, August 14, 2026
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu kala hadli doono dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump go’aanka ay dawladda Mareykanka ku qalabeyneyso malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya, marka ay ku kulmaan magaaladan Washington todobaadka soo socda. Erdogan waxaa uu sheegay in dagaal ka dhan ah koox argagixisa ah aysan qaadi karin koox...
 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa shalay shir guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka ee Soomaaliya. Shirkii shalay waxaa ka qeyb-galay madaxda laamaha amniga dalka, waxaana lagu falanqeynayey dardar-gelinta hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. “Ammniga waxaa uu yahay muhiimadda koowaad ee...
 Kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda Kenya ayaa la kulmay weerar, iyaga oo maraya degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, sida dadka degaanka ay sheegeen. Weerarka ayaa waxaa fuliyay dagaalyahannada Al Shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarka gaadmada ahaa. Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaal xooggan uu dhex maray Al...
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ingriska Tharesa May ayaa maanta si wada jir ah u wada shir guddoomin doona shir weynaha London. Shirka maanta furmaya waxaa diirada lagu saari doonaa, Dib-uhabeynta siyaasadda iyo dowladnimada, Ammaanka, Hormarinta dhaqaallaha iyo Heshiisyo cusub. Dhinaca kale Magaalladda London...
Sharci lagu adkeynayo inay dambi tahay in gabdhaha la gudo ayaa shalay laga ansixiyey golaha sharci dajinta gobolka ee Minnesota. Sharciga mamnuucaya gudniinka oo ah sharci hore uga jiray gobalka Minnesota  ilaa iyo 1994 tii ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ah in waalidkii lagu helo isagoo og...
Kaddib booqashdii dhawaan uu ku tagay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo degmada Afgooye, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sharci darrada ay ee yaala gobolka Shabeellaha hoose. Gen C/llaahi Cali Caanood abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaalay waddada dheer...
 Koox hubeysan ayaa maanta degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay nabadon lagu magacaabi jiray C/qaadir Xuseen, sida goobjoogayaal ay sheegeen. Dilka nabadoonka waxaa uu ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmaddaasi, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay. Maxamed Ugaas C/qaadir oo ah wiilka marxuumka geeryooday ayaa sheegay in wiilal dhallinyaro ah oo...
Shirka London Somali Conference ayaa lagu wadaa in 10-ka bishan uu ka furmo magaalladda London ee dalka Ingiriiska. Waxaa shirka ka qeyb-galaya madaxda wadamada bariga Africa iyo hogaamiyaal kale oo lagu casuumay kulanka. Shirka London waxaa diiradda lagu sari doonaa, Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada, Hormarinta dhaqaallaha iyo Heshiisyo cusub, waxaana shirka...
10 qof ayaa cudurka shuban Biyoodka ugu geeryooday deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug, sida maamulka caafimaadka ee deegaanka ay sheegeen. Dadka ayaa la sheegay in ay geeryoodeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay, waxaana dadka dhintay ku jira carruur iyo dad kale oo waaweyn. Galad Cabdulle Cumar oo kamid ah saraakiisha caafimaadka...
Guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmadda Buurhakaba. Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa loo magacaabay xilka cusub ee degmadda Buurhakaba ee Gobolka Baay, kadib wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka. Maamulka cusub ee degmadda Buurhakaba ayaa lagula dardaarmay in ay wax ka qabtaan xaaladdaha ka taagan degmadda. Shaqada ugu...