Friday, August 14, 2026
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka tira kalana ay ku dhaawacmeen Qarax ismiiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalladda Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose. Qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, sida uu sheegay Afhayeenka wasaarada amniga ee dowladda federalka Soomaaliya Axmed Carab. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay...
 Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Ethiopia ayaa maanta Qarax miino lagula eegtay degaanka Berhaano oo u dhow magaalladda Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan. Lama shaacin khasaaraha ka dhashay Qarax, sida ilo wareedyo ay sheegeen. Xaaladda deegaanka Berhaano ayaa hadda degan, waxaana la soo sheegayaa in kolonyadii Qarax lagula eegtay deeganka...
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo la gashay beesha caalamka si loo dhiso ciidanka Qaranka ee Soomaaliya. Ujeedka dar-dargelinta dhismaha ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al Shabaab oo hadda dagaal xooggan kula jirta Dowladda iyo AMISOM. “Awoodaha adduunka intii ay ku sugnaayeen shirka London, waxaa ay isku raceen...
Xoghayaha guud ee Qaramada Madoobey Antoni Gutters ayaa sheegay hadda Soomaaliya in ay hadda ku sugan tahay sida uu hadalka u dhigay xaalad khatar iyo wanaagba isugu jirta. Waxaa uu sheegay Soomaaliya in ay kordhisay tayadeeda maamul, waxyaabaha aas-aaska u ah xasillooni dheeraad ahna la diyaariyay, laakiin dhammaan guulahan ay...
 Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Hodan ku dilay mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka kasoo galay deegaannada Galmudug. Nabadonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sayid Cali Cismaan Abtidoon, waxaana lagu dilay xaafadda Albaraka ee degmadda Hodan. Qaar kamida ehelka Marxuum  Sayid Cali Cismaan Abtidoon, ayaa sheegay...
xukuumadda Somaliland ayaa joojisay shir magaaladda Burco uga qabsoomay jaamacadaha Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ay sheegeen inay xubnaha ka socda Soomaaliya dalka dib looga celinayo. Xukuumada ayaa sheegtay in Jaamacadaha Somaliland loo ogol yahay shirka balse Jaamacadaha kale ee ka socda Soomaaliya ayaan loo ogolayn. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdillaahi...
https://youtu.be/wg5vq97FsKU Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isaga oo ku sugan magaalada London sheegay in uusan aaminsaneyn nidaamka federaalisamka iyo in Soomaaliya ay yeellato madaxweynayaal farro badan. Hadalkan ayuu ka hor sheegay Axmed Madoobe kulan xalay madaxda Soomaalida ay la qaateen Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana kulanka sidoo kale...
Munaasabad siweyn loo soo agaasimay waxaa ay wadda jir ula hadleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana kulanka qeyb ka ahaa dhamaanba madaxda dowlad gobolleedyada dalka. Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay sanadkaan madaxda Soomaalida ayaga oo midaysan oo wax qilaaf ah u dhaxeyn in ay ka...
Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Masar Sharif Ismaaciil, ayaa maanta gaaray magaalladda London, si uu uga qeyb-galo shirka London Somali conference ee halkaasi maanta ka furmaya. Wafdiga Shariif Ismaaciil, ayaa waxaa la socda xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, sida warbaahinta dalka Masar ay saaka sheegeen. “Waa in la ogaadaa muhiimada...
In ka badan 40 dowlladood iyo tiro kale oo intaa ka sii badan oo hay’addo caalami ah ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku kulmaan shirka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ka furmaya magaalada London ee dalka Britain. Waxey aheyd arin dhif iyo naadir ah in ra’iisal wasaaraha UK...