
Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay shir isugu yimaadaan dalalka ku bahoobey ururka IGAD Shirkan oo ah mid deg-deg ah ayaa looga hadlaayaa xaaladda dalka Suudaanta Koonfureed ee sii xumaaneysa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka qaybgalayen shirka, waxaana beddelkiisi ka qaybgalaya Raysalwasaaraha Xukuumadda federaaliga ah Xasan Cali Khey Iyadoona Wafti ballaaran oo uu hoggaminayo ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay saaka ka duuleen
garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda muqdisho, wuxuuna ku sii jeeday Magaaladda Adis-ababa
Ra’iisul wasaaraha ayaa Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb gali doona Shir Madaxeedka IGAD oo maanta furmaya, Shirkan oo ah mid deg-deg ah ayaa looga hadlaayaa xaaladda dalka Suudaanta Koonfureed ee sii xumaaneysa.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo, isagoo bedelay madaxweynaha Soomaaliya oo markii hore qorshuhu uu ahaa in madaxweynuhu ka qaybgalo.
warsom2011@gmail.com









