Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa ka furay shir ballaaran oo looga hadlay wada shaqeynta iyo iskaashiga dhexmaraya wasaaradda maaliyada ee dowladda goboleedka iyo dowladda dhexe, islamarkaana lagu midaynayo cashuuraha labada dhinac
Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa sheegay in mudadii xilka wasaaraddu uu hayay ay u suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda; sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidanka qalabka sida iyo lacagaha lagu wada shaqada xafiisyada hey’adda dowladda.
Wasiirka Beyle, ayaa sidoo kale, xusay in dowladda Soomaaliya ay xooga saartay kordhinta dakhliga soo gala taasina ay wax badan ugu suurtagaleen.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in uu kala hadlay ganacsatada tabashooyinka ay qabaan iyo sidii uu xiriir wanaagsan u dhexmari lahaa Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
“Waxay nasoo gaarsiiyeen Baahida loo qabo in Canshuuraha dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya la mideeyo,oo Alaabta ka dagta Boosaaso,Kismaayo iyo Muqdisho qiimo isku mid ah lagu Canshuuro”ayuu yiri
Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in loo baahan yahay in muwaafaqo laga gaaro mashaariicda dalka ay ka fulineyaan hey’adaha iyo dalalka kale si ay u noqdaan kuwo ka turjameya baahida dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga la saaro.
warsom2011@gmail.com









