Sunday, June 7, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka batroolka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo toddobaadka shidaalka Afrika. Shirka todobaadka shidaalka Afrika oo isniinta maanta ah ka billaaban doona magaalada Cape town ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona go'aan gaarayaasha tamarta ee dawladaha, shirkadaha tamarta caalamiga...
Markab u kireysan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa soo gaaray dekadda Chornomorsk ee Badda Madow ee Ukraine. Markabkaan ayaa wuxuu Soomaaliya geyn doonaa Qamadi Yukreeniyaan ah, sida ay sheegtay wasaaradda kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Ukraine. Ukraine ayaa horay ugu rartay sarreenkeeda dalalka Itoobiya, Yemen iyo Afgaanistaan iyadoo...
Dowladda  Soomaaliya ayaa todobaadkii hore xaqiijisay wararka sheegaya in diyaaradaha hubeysan ee ay soo saarto Turkiga ee Bayrakh dar oo xiriir la leh qoyska Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in...
Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in anay jirin sabab sharci oo mudada loogu kordhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in ay dhacday muddo kordhin aan laga wada tashan. Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, sheegay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigi karo...
Xisbiga Waddani ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay go'aankii ay Golaha Guurtida Somaliland mudada 2-da sanno ah ugu kordhiyeen muddo xileedka madaxweyne Biixi. Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in go'aanka golaha guurtidu aanu sharciyad ku taagnayn, isla markaana anay aqbalayn.   "Waxan...
Wararka imaanaya magaalada Cape town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti oo ka mid ah degaanada hoostaga Cape town. Muwaadiniinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere,...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa sheegay in Sarreeye...
Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Dabley la rumaysan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab ayaa falkaan ka dambeeyay, iyagoo sidoo kale gubay  gaarigii Riiga...
Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab. Sheikh Shaakir oo wareysi siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay uga haraan dagaalka Alshabaab, isagoo soo dhoweeyay in dowladda iyo shacabku iska...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay. Dhammaan deegaannada...