Xadgudubyo ka Dhan ah Xuquuqda Aadanaha ay ku kaceen Al-shabaab oo Dawladda Soomaaliya Cambaareysay.

0
440

 Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay fal ka baxsan xuquuqda aadanaha, oo ay sheegtay inay ku kaceen AlShabaab, kaddib markii Alshabaab ay 100 kamid ah dagaalamayaasheeda oo ku dhaawacmay Aadan Yabaal ay dhameystirtay.

Warsaxaafadeed dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay hal meel ku laayeen dhaawacooda arrintaas oo ay dowladda ku tilmaamtay mid ka baxsan xuquuqul insaanka, diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dowladdu waxay sheegtay dadka la laayay inay ahaayeen dhallinyaro la qalday oo si xoog ah Alshabaab ay dagaalka kusoo galiyeen.

Waxay dowladda ugu baaqday dhallinyarada u dagaalama Alshabaab inay dowladda iskusoo dhiibaan si ay u helaan amni iyo dhaqan celin.