Isbaheysiga Xisbiyada Qaran oo Cambaareyn Dusha uga Ridey Al-shabaab Falalka Guracan ay kula kacayaan Shacabka iyo kuwii u Dagaalamayey.

0
855

Afhayeenka Isbaheysiga Xisbiyada Qaran Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Warbaahinta maanta la hadlayey ayaa Sheegay in wax aad looga naxo ay Tahey Markii La ogaadey in al shabaab ay Dhameystireen Dhaawicii u Dagaalamayey oo ay Shaley Khalad Dagaal ku Geliyeen,waan Cambaareyneynaa falalka xaasidnimaada iyo jirid go’ynta ah ee ay Al-shabaab ku dhaqmayaan,waxeyna Caddeyn u Tahey in aaney Laheyn Xidid Soomaalinimo iyo Islaamnimo Toona.

Shaley Waxaan La yaabaneyn Dad Musaafir ah oo Heyb iyo Qabiil Loo Xasuuqey,Tuulooyin la Gubo iyo Dad Maras iyo Caruur la Gubo Ceelal iyo isgaarsiin la Qarxiyo iyo Afduub dad biri ma geydo ay is leeyihiin Gabaad Ka Dhigta iyo waxyaabo aan waligeed Dhaqanka Soomaalida lagu Arag.

Taas Waxaa Kasii daran buu yiri Timajilic In la Xaqiijiyey inay Dhaawacoodii Dhameystireen Kadibna Xabaalo Wadareedyo ku Gureen ay isaga Carareen Sida Laga Dheehan karo Muuqaalo iyo Sawiro Laga Soo Qaadey Goobo ay ku Dhuuman jireen dadkana uga Soo Duuli jireen Deegaano G/sh/dhexe ka Trsan.

Waa Arxan laawayaal aan inaba Dalkan iyo Dadkan u Diir naxeyn,dadka soomaaliyeed ayaa Laga rabaa in ay Hal Meel uga soo wadajeestaan Caruurta ay Khaldeena Laga soo badbaadiyo Maadaama ay kii ka Dhaawacma iyagu Dilayaan Si aan wax raad ah loogaga Helin Fekerkooda Khaldan.

Ugu Danbeyntiina Isbaheysiga Xisbiyada Qaran Afhayeenkooda ayaa Xukuumadda usoo Jeediyey in la Abuuro Gogol Xaadh iyo dib u heshiisiin kaas ooay Lasoo Xidhiidhaan Dadka kasoo Baxaya Fekerka Qaldan ee Khawaarijtu ku Dhaqmayaan,Cidii isa Soo dhiibeysa ee Kasoo baxeysa Afkaartaas Guracan waxey u baahanyihiin Damaanad Qaad iyo Masuuliyiin Heer Qaran ay isku Aamini Karaan ayuu Yiri Afhayeen Timajilic.

Degaanada Cali Fooldheere iyo Ciid Ciidka oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta waxaa gaaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidanka ayaa indhahooda ku soo arkay xabaal wadareed an si fiican lo aasin oo ay ku jireen maydadka tiro ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo markii ay kooxdu asturi waysay hal god ku wada riday,iyadoo Qaarkood yihiin Dhaawac la Dhameystirey

Waxaa la arkayay Askarta ciidanka xoogga dalka oo Urta Maydadka dartood Sanka u haysta, waxaana laga cabsi qabaa in degaankaas ay ka dilaacaan cudurada faafa.

Ciidanka NISA, Milatariga Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgalo ay dhowaan ka sameeyeen degaanadaas waxay ku laayeen Al-shabaab fara badan oo laga duqeeyey dhinaca cirka.

Saraakiisha ciidamada DF ee ku sugan aagaas ayaa sheegay iney ku dedaalayaan sidii qaab wanaagsan loogu aasi lahaa meydadkaas si loo ilaaliyo sixada iyo fayo dhowrka degaanka loogana hortago.