Wararka imaanaya magaalada Cape town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti oo ka mid ah degaanada hoostaga Cape town.
Muwaadiniinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere,...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Sarreeye...
Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Dabley la rumaysan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab ayaa falkaan ka dambeeyay, iyagoo sidoo kale gubay gaarigii Riiga...
Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab.
Sheikh Shaakir oo wareysi siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay uga haraan dagaalka Alshabaab, isagoo soo dhoweeyay in dowladda iyo shacabku iska...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra.
Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay.
Dhammaan deegaannada...
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhigeeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.
Kulamadan ayaa looga hadlay iskaashiga dhinacyada, Gaadiidka dhulka ,cirka , Duulista...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isaga iyo wafdigiisa wadahadalo laba geesood ah waxay la yeesheen Rayaal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Golahiisa Xukuumadda.
Labada masuul ayaa wadahadalooda ku muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta...
Maraykanka ayaa soo saaray warbixin sannadle ah oo uu ku qiimeynayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqeymaha laga soo billaabo 2021.
Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay guud ahaan Afghanistan, Iraq, Soomaaliya iyo Syria.
Pentagon waxay sheegtay Soomaaliya in aan dad...
War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF ay adeegsanayso gawaarida hay'adaha gargaarka, iyagoo u isticmaala howlgallada dagaalka waa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Itoobiya.
War saxaafadeedkan ayaa sidoo kale digniin loogu diray hay'adaha gargaarka inay isaga fogaadaan goobaha iyo meelaha uu...
Wararka aan ka helayno gobolka Tigray ee dagaaladu ka socdaan ee dalka ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Itoobiya ay duqeyn u gaysatay gaari waday gargaar raashin oo ku socday gobolka Tigray.
Afhayeen u hadlay kooxda TPLF oo la hadlay Warbaahinta gobolka Tigray ayaa duqeyntaas ku...


















