Siyaasiyiin reer Puntland ah oo ku midoobay madal siyaasadeed ayaa ku baaqay in la joojiyo waxay ugu yeereen diiwaan galinta hubaysan ee doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.
Siyaasiyiintan oo u badan musharraxiin u hanqal taagaya doorashada madaxweynaha Puntland ee 2024, ayaa soo saaray bayaan ay kaga digayaan sida ay sheegeen, khatarta ka dhalan karta damaca siyaasadeed ee madaxweyne Deni ku howlan yahay.
Waxay sheegeen in loo baahan yahay in la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka Puntland.
Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Puntland inuu ka leexday jidkii saxda ahaa ee dimuqraadiyadda Puntland, taasoo ay sheegeen horseedi karto hubanti la’aan siyaasadeed.

