Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarinaya dhibaatooyinka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray guddigaan iney kasoo tala bixiyaan xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaana si gaar ah loo faray guddigan in warbixin dhameystiran ka keenaan dadka ku dhintay shaqaaqooyinka iyo kuwa dhaawacmay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale faray guddigaan iney deg deg ku howlgalaan, islamarkaana guddiga ay dib ugu soo celiyaan natiijada kasoo baxdo xog baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Hoos ka akhriso Warqadda Guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka:-

