Friday, August 28, 2026
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqan celinta dagaalamayaasha ka soo goosta Al-Shabaab, ayaa ku dhow inay joojiso taageerada ay ku bixiso xarumaha lagu dhaqan celinayo Shabaabka soo goosta. Haya’dda socdaalka aduunka ee IOM ayaa warqad ay soo saartay dhamaadka bishii hore ee lasoo dhaafay, waxay ku sheegtay in aysan sannadkan...
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay bixin doonto lacag dhan 10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo soo qabto hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirinayo weerarkii 2020-ka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Kenya oo lagu dilay Saddex muwaadin oo Mareykan ah. “Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda...
Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inay kooxda Alshabaab xilli dambe oo xalay ahayd weerar ku billowday qaraxyo ay kusoo qaadeen deegaanka Hilowle gaab oo ah xadka kala qeybiya gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud. Afhayeenka maamulka Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab halkaas lagula galay oo socday in ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ciidamo gurmad ah u dirtay howlgallada dib u xoraynta ee ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho, ayaa ku wajahan deegaannada kuyaala bariga gobolka Galgaduud si ay u gurmad ugu noqdaan ciidamada xoreeyay qeybo kamid ah Galgaduud. Saraakiisha hoggaaminaya ciidamadan ayaa...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeeladda dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu Ka socdo deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan gobolka Shabeeladda dhexe. Deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan degmada Ruunirgood ayaa sakaay waaberigii waxaa dagaal culus kusoo qaaday dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab, waxaana weli socda dagaalka . Ururka Alshabaab ayaa war ay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax qabadka hay'adaha dowladda ee sanadka 2023. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada...
Magaalada Laascaanood ayaa hada xaaladeedu dagantahay, isla markaana maamulka iyo qaybo shacabka ka mid ah ayaa ka shaqaynaya adkaynta nabadgalyada sida maayarka magaaladu sheegay. Maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo Laascaanood warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in iska hor imaadkii xalay dhex maray millateriga iyo dhalinyaro hubaysan oo ka gadooday dil...
Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo Shalay ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas loo adeegsaday laba baabuur oo noocoodu yahiin Saruf. Tirada dhimashada qaraxyadaasi geysteen ayaa la xaqiijiyay iney gaartay 35 ruux oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya,...
Sarkaal u hadlay Ciidamada Millateriga Somaliland ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay magaalada uga baxeen si ay uga fogaadaan in khasaaruhu sii bato. Sarkaalka millateriga u hadlay ayaa sheeegay in ay ka xunyihiin dilka ciidanku u gaystay Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa shacabka Laascaanood, isaga oo...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Cali Maxamed Al-Bawaaridi. Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay arrimaha amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda qaar...