Friday, August 28, 2026
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa shaaciyay in Ururka Al-shabaab ay soo codsadeen wadahadal, isagoona xusay in haatan awoodooda kusoo aruurtay beegsiga dadka shacabka ah iyo weeraro gaadma ah. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay fulinta...
Tibor Nagy oo ahaa kaaliyihii hore ee xogeeyaha arrimaha dibada Maraykanka Africa u qaabilsana, ayaa sheegay in qaar kamid taageerayaasha dowlada Soomaaliya ay tamar badan ku bixiyaan burburinta Somaliland. Nagy oo aad ugu olloleeya aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa sheegay in uu la yaabo markuu arko qaar kamid ah taageerayaasha Soomaaliya,...
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta sheegay inay sharciga la tiigsandoonaan xildhibaannada ka maqan fadhiyada golaha. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu barlamaanku ka shaqeynayo in aanay isku xaquuq noqon xildhibaannada ilaaliya waqtiga ee soo xaadira fadhiyada iyo kuwa aanan imaanin. “Sidaan haddaan kusii socono, waxaan...
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa daan daansi iyo sharci daro ku tilmaamay guddi uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliya u magacaabay xalinta qalalaasaha Laascaanood. War-saxaafadeed golaha kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Golaha Wakiilada Somaliland yahay gole si dimuquraadi ah loo soo doortay isla markaana uu masuul ka yahay dadweynaha Somaliland. "Golaha Wakiilada...
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa in ka badan 15 weerar oo xagga cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya 2022-kii. Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo caawinta dowladda Soomaaliya, ayaa kordhay in ka badan 30% sanadkii hore. Qaar ka mid ah xildhibaannada Congress-ka, ayaa baaritaan ku sameeyay howlgallada AFRICOM, iyaga oo...
Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in aanu ciidanku gobolka ka bixi doonin, hadii amni daro danbe dhacdana uu xoog nabada ku sugi doono. Taliyaha Ciidamada Millateriga ee Gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay rabaan in ay magaalada Laascaanood qas galiyaan, isagoo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood. Madaxweyne Sheikh ayaa sheegay inay ka damqanayaan in dad Soomaaliyeed oo calankii huwan ay dhibaatoonayaan. Madaweynuhu wuxuu sheegay, in Somaliland looga baahan yahay inay hab ka duwan habkii hore u wajahdo xaaladda Laascaanood...
Ciidamo Jabhad ah Taageersan Laascaanood ayaa Lagu Soo waramayaa in ay Magaalada Soo Galeen kadibna ay bilawdeen isu Soo baxyo Hubeysan oo Rasaas farabadan hawda loo ridayo iyadoo Ciidamadii Somaliland Banaanka Ka Joogaan Magaaladana isaga Baxeen Labo maalin ka Hor. Ciidamadda oo uu Wato Sarkaal Magaciisa Lagu Sheegay Fatsal Falaalug...
Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 29 dhalinyaro ah oo laga soo xidhay bannaanbaxyadii magaalada Laascaanood. Dhalinyaradan oo laga siidayay xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, ayaa lagu wareejiyay mudan iyo odayaal reer Sool ah, oo ku howlan xal u helista qalalaasaha magaalada Laascaanood. "Heshiisyadii aanu xukuumadii ula tagnay waa kii koowaad...
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqan celinta dagaalamayaasha ka soo goosta Al-Shabaab, ayaa ku dhow inay joojiso taageerada ay ku bixiso xarumaha lagu dhaqan celinayo Shabaabka soo goosta. Haya’dda socdaalka aduunka ee IOM ayaa warqad ay soo saartay dhamaadka bishii hore ee lasoo dhaafay, waxay ku sheegtay in aysan sannadkan...