Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug oo Ciidamada Huwantu Hawlgallo Qorsheysan Ka Fuliyeen.

0
449

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan sameeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalada ayay si gaar ah ciidamada waxay uga sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Xarardheere iyo deegaanka Caad ee gobolka Mudug, waxaana saraakiisha ciidamada hoggaamineysay ay warbaahinta qaranka u sheegeen, iney ka gaareen guulo la taaban karo.

Saraakiisha faahfaahin kama aysan bixin in khasaare uu ka dhashay howlgalada qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug.

Deegaanada maamulka Galmudug ayaa haatan ah meelaha ugu badan oo ay ciidamada huwanta ah ka wadaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, hayeeshee Galmudug ayaa sheegtay in haatan ay isku diyaarineyso in Al-shabaab ka saarto degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ah degmada kaliya ay haatan Shabaabka Galmudug ku xoogan yihiin.