Jahwareer xoogan iyo buuq oo weli ka taagan Golayaasha Sare iyo Shacabka Soomaaliya.

0
284

Dood xoogan iyo murano u dhexeeyo xildhibaanada dhexdooda ayaa ka taagan Labada Gole, waxaana hor-boodaya gabdhaha ku jira Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Inta badan haweenka ayaa gorada iskula jira, waxayna isku hayaan sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen xildhibaanada ragga ah, ugana dhex muuqan lahaayeen guddiyada.

Xildhibaan Seynab Caamir oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadashay arrintaan, waxaana ay shaaca ka qaaday in gabdhuhu ay wareer ku hayaan Baarlamaanka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii gabdhaha Baarlamaanka ay dood ka keeneen in baaris lagu sameeyo boorsooyinkooda, marka ay galiyaan xarunta Villa Hargeysa, taas oo buuq iyo fowdo ka dhex dhalisay mid kamid ah kulamadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha.