DEG DEG :Qarax Xoogan oo ka dhacay Gobolka Gedo iyo wax yeelada uu geystay warar hor dhac ah.

0
1118

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lala beegsaday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee degmadaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in meel kamid ah gurigiisa loogu xiray Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee degmada Buurdhuubo Nuux Xasan Daa’uud.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba Wiil uu dhalay Guddoomiye kuxigeenka halka ay ku dhaawacmeen isla guddoomiye kuxigeenka 2aad ee degmada Buurdhuubo iyo Wiilyar oo ay deris yihiin.

Goobjoogayaal ayaa Warsan u sheegay in qaraxa kadib ay Guriga tageen Ciidamo katirsan kuwa Maamulka degmada, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaan ah wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay qaraxaas.