Ciidamadan oo aan ka tirsanayn kuwa ATMIS ee Midowga Afrika, ayaa si rasmi ah u joogaya Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Arbacadii ayay ciidamadan kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya, maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay tagayaan Soomaaliya si ay Shabaab ugula dagaalamaan gudaha dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dowladaha Dariska ee Itoobiya iyo Kenya ka codsatay in ay ka qayb qaataan duullaan cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Duulllaankaas oo ka billaabandoona Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, halkaas oo Alshabaab ay haaatan ku xooggan yihiin.
Itoobiya ayaa horey ciidankeeda u geysay Soomaaliya sanadkii 2006, si ay taageero milatari u siiyaan dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya, waxaase markii dambe lagu eedeeyay ina xasuuq ka geysteen Muqdisho.