Gudoomiye Maddaale oo U Muuqda in uu daallanyahay,waa Maxey Sababtu?.

0
712
Gobolka Banaadir oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee ummad Soomaaliyeed ayuu masuul ka yahay, mana u muuqdo qof masuuliyaddaas dareensan.
Muqdisho maalin walba waxaa ka dhaca dilal, maaha hal dil ee waa dilal, kuwa waxaa geysta Shabaab, kuwa waxaa geysta ciidanka dowladda, kuwa kalana waxaa geysta gacmo saddexaad oo dano gaar ah dadka u dila.
Magalaada culeyska intaas la eg heysto, waxey heysataa maayar hurda oo aan wax xiriir ah la laheyn bulshada.
Maddaale waa nin daallan oo dadkaan aan danahooda qaadi karin, Hadduu madaxweynaha saaxiibkiis yahay meel uu ka adagyahay halla geeyo fadlan, Nin firfiricoon oo dhiirran ayey magaaladu u baahantahay.