Qarax ka Dhacey Xerada Gen. Dhega badan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 Ruux iyo kuwo kaloo Caawa laga Maqley jugtooda Muqdisho.

0
614

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badan ayaa ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo maqribkii caawa ka dhacay warshadii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdisho.

Ururka Alshabaaab oo war soo saaray ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen inay ku dileen ciidamo katirsan kuwa Danab oo uu Maraykanku tababaray.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin karo in weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay gudaha xarunta Gen. Dhego badan, (warshadii hore ee Nacnaca), halkaas oo tiro dhowr jeer ah Shabaaabku ka geysteen qaraxyo ismiidaamin ah.

Dhinaca kale, dhowr weerar oo kale oo u badan bombo gacmeedyo ayaa lagu weeraray xarumaha saldhigyada booliiska ee qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama soo saarin weeraradan.

Waxay kusoo aadeen xilli Alshabaab jab xooggan uu kasoo gaaray howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, halkaas oo shalay oo kaliya looga dilay in ka badan boqol dagaalame.

Sidoo Kale caawa ayaa waxaa jugtooda laga Maqley Labo Qarax oo aan wali la ogeyn Khasaaraha ay Geysteen Sida lagu soo waramayo Mid ayaa ka Dhacey meel jek point ah oo ku Taal agagaarka Dabka iyo kan kale oo ka Dhacey buundada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho Wixii warar kusoo kordha wararkeena ayaad kala socon doontaan insha allaah.