Afeef: qoraalkan haka falcelin adiga oo dhameysan!
Shabaab waa urur ka falaagoobey Maxkamadihii uu hoggaaminayay Madaxweyne Sh. Shariif oo markii dambe heshiis ay galeen Maxkmadaha iyo Dowladii TFG ee ku meel gaarka aheyd, laguna soo dhisay dowlad cusub dalka Jabuuti ee Baarlamaankii dalka ee ahaa 275 lagu daray 275 laga keenay maxkamadihii markaana Sh. Shariif Madaxweyne loogu doortay.
Waxii markaa ka dambeeyay ayaa Alshabaab magacooda la maqlay ayaga oo dilay dad badan oo ahaa indhihii shacabka Soomaaliyeed dadkaas oo iskugu jiray Culimo, Dhaqqatiir, Injineero, Odoyaal, Saraakiil iyo shacab kale oo badan.
11 oktober 2006 Qaraxii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka dhaca Maxkamadaha ayaa fuliyay ayida oo lala beegsaday Madaxweyne Cabdulahi Yusuf magaalada Baydhaba kii kuxigay Shabaab ayaa fuliyay waxayna ka fuliyeen Magaalada Beledweyne ayaga oo ku dilay dad ku dhaw 100 qofood oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii AMNIGA Col. Cumar Xaashi iyo Ambassador Cabdikiriim Xuseen Laqanyo June 2009. Kadibna waa la ogaa qaraxyadii ay ku dileen arday dhaqtarnimo ka qalin jibineysay, macalimiintoodii iyo masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiir Professor Ibraahim Caddow. ilaa qaraxii ugu dambeeyay ee 29 oktober 2022 ee Soobe.
Shabaab waxay dilka ka sakoow baabi’yeen oo faqri ka dhigeen dad badan oo qaarna taajiriin ahaayeen, qaarna heysteen nolol maalmeedkooda. Shabaab waxay dalka ka qixiyeen dhalinyaro badan oo badaha ku dhimatay, kuwa saxaraha ku dhintay, kuwa wadamo xabsiyo uga buuxa. Shabaab waxay fool xumeeyeen magaalooyinka waa weyn ayaga qaraxyo ku burburiyay dhismooyin, wadooyin ama gaar loo leeyahay ama Dowladdu leedahay.
Shabaab waxay fool xumeeyeen dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida iyo diinteena suuban, waxay dhaceen xoolihii shacabka, dumar ayay xoog ku guursadeen, qaar ayay niman kafurteen ayaga oo yiri waa gaalo oo kuma maharsataan.
Waxa la awoodi waayay in masaajidada lagu dukado. Waxa dhacda dadka qaar in aysan xataa Qudbo Jimcaad dukan ayaga oo masaajidka uga baqaya shabaab.
Shabaab waxay gubeen tuulooyin, waxay duugeeen ceelal, waxay sumeeyeen ceelal. Waxay gubeen baabuur safar ah oo ay dileen dadkii saarnaa. Shabaab uma aaba yeelin dadka ay xasuuqeen caruur ahaan dumar ahaan waayeel ahaan iyo cid kalaba.
Shabaab waxay dad u laayeen aan dagaal ku jirin in qabiilkooda uu dagaal kala dhaxeeyo. lama soo koobi karo dhaqan xumada shabaab oo ay ka mid tahay cunaqqbateyn magaalooyin iyo dadkii ku noolaa ayaga oo dhaca qaarna guba cuntada magalaas galeysa sida magaalada Xudur, Waajid, Buulaburte iyo meelo kale.
KACDOONKA SHACABKA ee Hiiraan ka bilaawday waxa sabab u ahaa arrimaha kor kusoo xusay oo ah Qaraxa, Dilka, Cuna Qabateyna, Dhaca hantidooda iyo in qosaska lagu qasbay in ciyaalkooda la asgareeyo.
Haddii aan u soo laabto Ciwaanka Maqaalkan ee ah “YAA QATAR BADAN QABIILADA IYO SHABAAB”? Dadka waa ku kala aragti duwan yihiin, hase yeeshee marka aad fiiriso wax-yeelada shabaab oo aan la heyn habayaraatee hadaf aan aheyn dil, dhac iyo barakicin waxa 100% ka wax yeelo yar Qabiilada.
Shabaab in kabadan 15 sano oo ay dalka meelo badan heysteen hal ceel ma qodin, madarasa ma dhisin, iskuul ma dhisin, wado ama buundo ma sameyn, bal iskaba dhaaf in ay wax soo kordhiyaane intaas oo dhan ayay baabiyeen waxayna aamisan yihiin dadka in ay jaahiliin noqdaan oo ayaga cabsi darteed loo daba fadhiyo.
QABAA’ILADA:
Qabiilka Shacabka Soomaaliya waa ku xoog badan yahay, waxayna leeyihiin xeerar waxii dhaco lagu xaliyo. Shacabka Dowladu ma hubeyn laakiin qabiil kasta hub ayuu heystay dowlad ka qaadana majirto.
Qabiiladu waxay leeyihiin Ugaasyo,Imaamyo, Garaadyo, Islaam, Malaaqyo iyo Samadoono lagala xariiri karo waxii ay dadkoodu haleeyaan.
CIRAAQ:
Dalka Ciraaq oo markii Dowladii Saadaam ay Reer Galbeedka dumiyeen ay ka soo baxday DAACISH waxay nolol u diideen shacabkii waxa dalka hooy u noqday qaraxyo, waxay dhameeyeen Waxgaradkii. Dowladii Reer Galbeedka taageerayeena waxba waa soo kordhin weysay waxay sameysatay AAG XABADA KACAAGAN (Green sone). Kadib waxa sameysmay kacdoon Shacab oo dowladu taageertay kaas oo soo afjaray waxii aduunku u caal waayay. Maanta Ciraaq nabad ayaa ka jirta.
Haddii Shacabku kaco taariikh ahaan ayaga ayaa guuleysta, marka la fiiriyo Kacdoonkii France (france revulsion), kacdoonkii Soomaaliya ee lagu tuurey dowladii Milateriga hogaaminayay 1991 iyo kuwa kale oo badan.
KACDOONKA SHACABKA SOOMAALIYA MALA XAKAMEYN KARAA?
Haa, waa la xakameyn karaa! Waayo kacdoonkan dowlada loogama soo horjeedo. Dowladu waa in aysan shacabka hubsiin, balse ay siiso xabado, cunto iyo daawo. Waa in dowladu nooleyso meelaha Shabaab laga xoreeyay. Waa in ciidanka Qaranka aan la qabiileyn.
Marka dagaalku dhamaado dowladu waa in la fadhiisato Duubabka Dhaqanka, Culimada kadibna heshiis laga saxiixo in hubka qabiilkasta uu kusoo dhibo waqti la ciyimay, waana in beeso loogu bedelo. Waxii waqtigaa ka dambeeya qofkii qoray lagu qabto waa dambile waxana lagu qaadayaa heshiiskii Duubabka dowladu la gashay.
SHABAAB:
Bal aan ku weydiiyo qabiilka waxad heleysaa DUUB, NABADON IYO SIYAASI AAD UGA DACWOOTO ee yaa Shabaab looga dacwoonayaa? Ma taqaan cida xakunta iyo meesha laga xakumo? Ma leeyihiin xeer Islaam iyo mid Curfi ah oo lagula macaamilo?
Maalintii magaca Shabaab la maqlay dalka waxa ogolaasho iyo ogolaasho la’aan kusoo galay ciidan shisheeye oo tirada laga ogyahay aad u yar tahay.
Sidaas darteed dadka maanta ku doodaya Qabiilada ayaa ka qatar badan Shabaab waa kuwa degenaasha la’aanta dalka ay dani ugu jirto, ama waa kuwa arragti fog aan laheyn iyo kuwa lamiran habaabiyay.
GUNAANAD
Maqaalkan waxan kusoo af meerayaa in fursada maanta jirta ee ah kacdoonka 2 bil ka hor soo biloowday guula la taaban karana laga gaaray in la xoojiyo. Qabiilada Soomaaliyeed waa in ay fursada dayicin. Dowlad Goboleedyada waa in ay ka baxaan jiitanka ka muuqda. Ganacsatada waa in ay dagaalka qeyb ka noqdaan. Dowlada Federaalka qorshaheeda dagaalka ma cadda waa in ay caddeyso. Dagaalada xeerar ayay leeyihiin waa in xeerarkaas la ilaaliyo gaar ahaan meydka, maxaabiista iyo dadka loo wax yeelaynayo qaraabo in ay la yihiin qof dembile ah. Dagaalka waa in lasoo koobo waqtigiisa si loo yareeyo dhimashada.
<••••• Dad Dalka U Siman •••••>
Gudoomiyaha Xisbiga Daldhis ahna Gudoomiyaha Xiriirka Dibadda ee Xisbiyada Siyaasada Soomaaliyeed.
Abdirahman Hussein Adow.