Monday, October 13, 2025
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshada caalamka ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, kaddib weerarkii dhimashada lahaa ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayuu ku sheegay inuu ugu baaqayo...
Maanta oo taariiqdu tahay 7-da October 2025, waxaa laba sano jirsaday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Isra'iil iyo xoogaga  Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza. Maanta oo kale 7-dii October 2023 ayay aheyd markii xoogaga hubeysan ee Xamaas ay weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday dhulka Israa'iil xooga ku...
Weftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo dhoofay magaalada Kismaayo, kadib wadahadallo  saacado badan qaatay oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweyne Madoobe ayaa si shakhsi ah garoonka uga soo sagootiyay weftiga Madaxweyne Xasan Sheekh. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhow labada dhinac,...
Wasaaradda Maaliyadda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka hawlgala degaanka ay si cad u diideen bixinta cashuuraha ku waajibay iyo inay la shaqeeyaan dawlad dhiska WBS. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tan iyo Janaayo 2024 ilaa Sebteembar...
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Cilmi Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo dowladda federaalku ku dhisayso 2,000 oo guri oo loogu talagalay dadka gudaha dalka ku barakacay (IDPs). Wasiirka oo ka hadlayey Shirka Bangiyada iyo Maaliyadda ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mashruucani...
Mas’uuliyiin ka kala socday Somaliland iyo Puntland ayaa markii ugu horreysay yeeshay kulan fool ka fool ah oo lagu qabtay magaalada Nayroobi, ee caasimadda dalka Kenya, 4–5 October 2025, kaas oo lagu gaadhay is-afgarad ku saabsan in labada dhinac ka wada shaqeeyaan amniga, nabada, iyo dhaqaalaha. Kulankan, oo ay ka...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerar galinkii dambe ee Shalay Al-shabaab ku qaaday Godka Jilicow oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fuleynimo ah oo ay fuliyeen 7 ka mid ah...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney safar ku tagaaan magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ee maamulka Jubbaland. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku tagayo Kismaayo ayaa la xariira dadaalo lagu doonayo in lagu xoojiyo wadashaqeynta dowladda...
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya weerar culus oo ku bilaawday qarax Ismiidaamin oo lagu qaaday Godka Jilicow oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Goobta weerarka lagu qaaday ee Godka Jilicow loo yaqaano ayaa ah goob ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, taasoo ka mid...
Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, iyada oo kulankaasi uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Ajendaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta labaad ee Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Heshiiskaan waa heshiis...