Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland ayaa ku eedeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ku tilmaameen shirqoolo iyo abaabulada ay ka wadaan xuduuda dheer ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. Bayaan ay si wada...
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka. Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay...
Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmadaas ayaa si wadajir ah waxa ay u sheegeen in muddo hal sano ah aysan wax xaquuq ah helin Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida degmadaas, hayeeshee si mutadawacnimo ah ay u ilaalinayeen amniga degamdaas. Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada...
Ku dhawaad ​​100 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay go'aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha. Xildhibaanada ayaa ku andacoonaya eedna ujeediyay in Madaxweynaha uu xuquuq gaar ah siiyay Ganacsade Ajnabi ah, isagoo si hufan u dhinac maray ganacsatadii Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaan...
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii 9-aad ee kal-fadhiga 10-aad si rasmi ah u ansixiyay 19 wasiir oo ka tirsan xukuumadda cusub, kuwaas oo helay aqlabiyadda codadka xildhibaanada. Wasiirada la ansixiyay waxa kamid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo helay 65 cod, iyo Wasiirka...
Wararka ka imaanaya gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dil iyo dhaawac loogu geystay laba ka mid ah muwaadiniiinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay. Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa dishay Saadaq Axmed Xasan oo loo yaqiinay Saadaq British, waxaana sidoo kale...
Puntland ayaa bilowday abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka Calmiskaad, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish. Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaangalka ururka Daacish ee deegaannada...
Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa bilaabay kulamo ay ku doonayaan in xal waara looga gaaro colaadda u dhexeysa labo beelood oo kasoo kala jeeda labada dhinac, kuwaas oo ku dagaalamay degaano ku yaala galbeedka Mudug. Dagaalladan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo labada maamul ay ku guulaysan waayeen...
Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo askartii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee dhawaan lagu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Meydadka askarta oo tiro ahaan gaaraya ilaa 6 askari oo mudo todobaad ka badan ku jiray Firin jeer...
Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa sheegtay in ay dib u eegayso heshiiskii is-fahan ee ay xukuumaddii hore la gashay Itoobiya, isla markaana ay sii wadi doonto haddii uu isku dheelitirayo danaha labada dhinac. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo la kulmay Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada, isla...