Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin culus ka soo saaray xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda. Waxay dowladda ku eedeeyeen inay joogto ka dhigatay  barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyagoo...
Dowladda Taliban ee madaxda ka ah Afghanistan, oo ku caanbaxday soo saarista amarro isdaba joog ah oo dumarka khuseeya, ayaa go'aamisay in la awdo daaqadaha dhismayaasha ku yaalla xaafadaha shacabku deggan yihiin si raggu aanay u arag dumarka bilaa xijaabka ah. Dowladda ayaa amartay in dhismayaasha dhaadheer ee xaafadaha ku...
Dowladda Itoobiya ayaa maanta Jimce ah shaacisay in ay la shaqeyndoonto  howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya AUSSOM, kaasoo uu dhawaan meel mariyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay ka qaybqaadan doonin howlgalkan sababo la xidhiidha xidhiidhka labada dal oo xumaaday, ka dib...
Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Godey ee dowlad Degaanka Soomaalida, Wafdigan ayaa waxaa Godey kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo masuuliyiin kamid ah xukuumaddiisa. Ra'iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu Godey u yimid si uu usoo indha-indheeyo mashaariicaha...
Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyneysa go’aankeedii ahaa in ciidamada Itoobiya laga saaro howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, taasi oo muujineysa isbedel weyn oo dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhaxeeya labada dal. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caa’isha Maxamed oo Khamiistii soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay ka qeyb galka...
Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Itoobiya oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya Egn. Caa’isha Maxamed, ayaa soo gebagebeeyay booqasho shaqo oo rasmi ah oo ay ku tageen magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigan tallaabo lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Wafdiga ayaa intii ay ku guda jireen booqashada...
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed. Golaha ayaa ogolaaday oo ansixiyay in Axmed Xuseen Cilmi oo noqdo Gudoomiyaha Hey'adda Qaxootiga...
54 sano kadib, Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn 2025-2026, waxaana u bilowday muddo xileedkaan. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku...
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidammada Burundi, oo muddo dheer ka howlgalayay Soomaaliya iyagoo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, ay joojin doonaan howlahooda laga bilaabo 1-da Janaayo 2025. Warar isisoo taraya iyo xogo soo baxaya, ayaa sheegaya, in dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsanayn awoodda ciidammada Burundi ee...
Wakiilka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa ku dhawaaqay in howlgalka AUSSOM uu si rasmi ah xilka ugala wareegay ATMIS, isagoo sheegay in howlgalkan uu xoogga saarayo nabadda iyo xasilinta Soomaaliya. Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa tilmaamay in howlgalka cusub uu ku...