Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay dhaqaale iyo hub ay ku bixineyso maleeshiyaadkaan oo ay ku diyaarinayso dhulka xuduuda ah ee u dhexeeya Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland iyo Kenya, si ay uga dhex abuuraan qalalaase iyo amni xumo iyo in ay gudaha Kenya galiyaan ciidamo maleeshiyaad ah oo sida jabhadaha u hawl gala, si ay weeraro uga fuliyaan deegaanada nabdoon ee xuudada labada wadan ku teedsan.
Waxa ay Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Madaxda Dowlada Federaalka uga digeen in ay ka waantoobaan qorshahaas, isla markaana ay dib usoo celiyaan shakhsiyaadka ay hore u geeyeen deegaanada xuduudka ku teedsan.
Ugu dambeyn waxa ay xildhibaanadaan bayaan koodi ugu baaqeen Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Shacabka Jubaland inay ka feejignaadaan Shirqoolo ay sheegen inay Xukuumada federaalka ka abaabuleyso degaanada Jubaland.














