Puntland ayaa furimaha hore ee Calmiskaad oo ay ciidamadeedu kula dagaalamayaan kooxda Daacish waxay u dirtay khuburo ciidan, si ay u dajiyaan istiraatiijiyada wajiga ugu dambeeya ee dagaalka.
Saraakiisha la geeyay furimaha waxaa kamid ah Gen. Maxamed Xirsi Moogan, oo horey uga tirsanaan jiray saraakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen....
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyo hubeysan ay weerareen dad Xoolo dhaqato ahaa oo ku sugnaa degaanka Galo oo kuyaalla dhinaca Waqooyi ee Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug una jira 40 KM, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka waxa ay intaasi ku...
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay hadda ku hareen dhul dhan 40km oo kaliya, iyadoo ciidamada Puntland ay sii ballaarinayaan howlgalka ay ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee Calmiskaad.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Daacish ay hadda ku sugan tahay dhul buuraley ah...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa kooxda Al-shabaab ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah uga fuliyeen tuulada lagu magacaabo Gumeysidiid oo kooxdu...
Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa go’aamiyay in la dhiso guddi ka shaqayn doona samaynta dastuur uu yeelan doono maamulku, iyo in si dhakhso ah loo qabto shirwayne guud oo masiiri ah, kaasoo horseedi doona in maamulku uu ka baxo ku-meel-gaadhka.
Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha golaha, oo hore...
Mas’uuliyiinta sare ee amniga Puntland ayaa sheegay inay si buuxda ugu heellan yihiin la dagaallanka kooxda Daacish (ISIS), balse waxay ku booriyeen saaxiibadooda caalamiga ah inay bixiyaan taageero ciidan oo lagama maarmaan ah.
“Wax kasta oo aan hayno waan u huraynaa dagaalkan,” ayuu yiri Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, taliyaha Ciidanka...
Xildhibaan Brandon Gill oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto Gobolka Texas ayaa wada qorshe uu ugu qaybinayo codsi uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay saxiixaan si ay u musaafuriyaan Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo ay kuwada jiraan Congress-ka Mareykanka.
Gill ayaa...
Itoobiya ayaa Arbacadii loo doortay xubin ka tirsan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) intii uu socday shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababa, kaasoo mudadeedu noqon doonto saddex sano ah.
38-cod ayay Itoobiya ku guuleysatay Kursiga Bariga Afrika, iyadoo ka sareysa Rwanda iyo Soomaaliya oo helay...
Kooxda Daacish ee ka howlgasha Puntland ayaa sare u qaaday weeraradooda iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn oo horumarsan.
Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku qalabaysan kamarado lagu ogaan karo kulaylka, taas oo u suuragelinaysa inay bartilmaameedsadaan goobaha milatariga xilliyada habeenkii.
Sida laga soo xigtay shirkadda Vates Somalia oo...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sagootiyay Cutubyo ka tirsan ciidamada muuqda/hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.
Ciidamadaan ka tirsan NISA ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa si gaar ah loo siiyey tababaro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah...


















