Friday, May 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in uu heshiis la gali doono Itoobiya ka hor inta aanu sannadkani dhamaan. Madaxweyne Cirro ayaa xusay in...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa  bogaadiyay dagaalka ka dhan ah Daacish ee ciidamada Puntland ka wadaan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in Daacish qatar weyn ku tahay jiritaanka bulshaweynta Soomaaliyeed, islamarkaana waajib tahay in...
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la sheegay inay fashliyeen weerar ku bilowday qaraxyo oo ay kooxda Daacish xalay saqdii dhexe kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Haraaya ee togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad. Bogga lagu soo gudbiyo macluumaadka howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish ayaa lagusoo bandhigay maydadka...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta ka qeyb galay shir wadatashi ah oo looga hadlayay wax ka bedelka Dastuurka dalka, kaasi oo diiradda lagu saarayay cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Gudoomiye Amiir waxa uu sheegay in Dastuurkaan uu Maamulka...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Dowladaha Adduunka oo ka qabsoomaya magaalada Dubai 11–13 bishan. Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, shirkan waxaa ka soo qaybgalaya madax ka socota in ka badan 30 dowladood, waxaana diiradda lagu saari doonaa horumarka dhaqaalaha adduunka, dowlad-wanaagga, iyo tiknoolajiyada casriga ah. Madaxweynaha...
Sarkaal lagu magacaabo Jiib Gurey Bootaan oo kamid ahaaa saraakiisha ciidamada Puntland ee dagaalka uga jira buuraha Calmiskaad ayaa u geeriyooday qarax miino oo la kacay. Sarkaalkaan ayaa 24 saac ka hor baraha bulshada laga sii daayay isagoo sheegayay inuu gacantiisa ku qabtay diyaarad Drones ah oo ay qaraxyo ku...
Waxaa maalintii labaad xiran dhamaan goobaha ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaano Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif ayaa sheegay in ganacsiyada Suuqa Bakaaraha ay u xiran yihiin maalintii labaad Caga jugleyn uga timid Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Qaranka. "Suuqa Bakaaraha wuxuu u...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa go'aan ka gaartay kiiska lamaane ka tirsana kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kasoo muuqday Maxkamadda. Maxkamadda ciidamada ayaa sii deysay Xafso Maxamed Macalin oo gacanta lagu soo dhigay dhawaan iyada oo u socotay degmada Ceel buur oo uu ku sugnaa Seygeeda Abshir...
Ciidamo aad u badan oo Booliiska Soomaaliya ka tirsan ayaa la wareegay gacan ku haynta Guriga Hooyooyinka kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka biya diidanaayeen Ururka Haweenka Qaranka inay ka guuraan si ay ugu shaqeeyso Wasaaradda Qoyska ee Soomaaliya. Ciidamadaan oo Salaadda Subax kaddib la wareegay Amniga Guriga Hooyooyinka ayaa...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shir madaxeedka Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaasoo looga hadlayey xal u helidda colaaddahaa ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC). Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad weyn u leeyahay xasilloonida...