Friday, May 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin wax diidma ah oo lagu sameeyay dalabka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la sheegay in laga hor istaagay warqadii habraacada Baasaboorka Diplomaasiga ee uu ku dalban lahaa Visa ha dal ku galka dalka...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay la wareegtay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in galabta ay si nabad ah kula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf. La wareegista Al-shabaab ee deegaanka Ceelbaraf ayaa kusoo aadeysa, kadib markii kooxdu...
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar kusoo saaray in la joojiyo ajaaniibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan hay’adaha maamulkiisa ee ay khuseyso amarkan in ay ka hawlgalaan si loo dhaqan-geliyo go’aankan lagu mamnuucayo dadka ajaanibta ee sida sharci darrada ah ugu soo...
Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa baahiyay sawirka iyo macluumaadka Horjooge lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo loo yaqaano Wadaad, kaasoo kooxda Al-shabaab u qaabilsan waxay ugu yeeraan  zakawaatka gobolka Banaadir. NISA ayaa shaacisay iney si weyn ay ugu raad joogto horjooge Cabdullaahi Wadaad oo...
Wararka ka imaanaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay aroortii ay weerar ku qaadeen Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab saldhigyada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cali Axmed ee hoostagta Degmada Aadan Yabaal. Degaanka ayaa waxaa laga ilaaliyaa Degmada Aadan...
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysna oo ciidamo ka tirsan kuwa difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ku qaadeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab. Weerarka ayaa la sheegay in ciidanka deegaanka ay ku bartilmaameedsadeen hoyga uu ka dagan yahay degmadaas taliyaha  Xisbada...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray inuu ka adkaan doono kooxaha argagixisada caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la tayeeyo kaabayaasha adeegga caafimaadka si loo daweeyo askarta ku dhaawacantay dagaalka lagula jiro kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay dib u cusboonaysiiyaan cunaqabateynta saaran Al-Shabaab ka hor inta aan la gaarin February 28, 2025, maadaama kooxda Al shabaab ay weli khatar weyn ku tahay xasilloonida Soomaaliya iyo ammaanka gobolka. Tallaabooyinka, oo markii hore lagu soo rogay in lagu carqaladeeyo...
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan furitaanka kalfadhiga 6aad ee Baarlamanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay hadal hayn badan ay dhalisay dib u dhaca kalfadhiga Baarlamaanka. War saxaafadeedka waxaa lagu yiri "Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya...
Madaxda dalalka ku midoobay Ururka Midowga Africa ayaa u doortay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika doorasho dhowr wareeg ahayd oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa...