Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo hadal qaaday is qabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in is qabqabsiga siyaasadeed ee jira uu caqabad ku noqon karo hormarka dowladda, waxaana uu intaa ku daray...
Turkiga iyo Soomaaliya oo Heshiis Dhanka Ganacsiga Kala Saxiixdey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka...
Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya.
Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ayaa aroornimadii saakay la sheegay in ay ka soo talaabeen Xadka dhinaca Ceel-waaq waxeyna...
Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.
Dacwadan ayaa waxaa gudbiyay Wiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo fool leeyihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisu ku soo fool leeyihiin...
Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada.
Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen...
Guddoomiyaha Guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaran Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Todobaadka danbe War ka soo saarayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku joojisay dib u soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka.
Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in maalinta Axadda kulan ay ku yeelan doonaan xubnaha guddiga...
Ra’iisal Wasaaradda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale, waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka...
Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go’aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland.
Kalfadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Somaliland oo...

















