Wednesday, August 26, 2026
Ciidan ka tirsan kuwa AMISOM ee ka Hawl-gala Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen Afar qof oo rayid ah oo ay ku jireen Haweeney waayeel ah iyo Gabar yar oo sagaal jir ahayd, kuwaasoo Gaari yar watay. C/waaxid Macallin Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta ayaa...
Kaddib, iska-horimaad maanta dad xoolo-dhaqato ahaa ku dhex-maray Deegaan hoos-yimaada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arrintan ka wada-hadlay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Waxgarad kasoo kala jeeda Beelaha uu dagaalku dhex-maray. Waxaa siddoo kale kulanka qeyb ka ahaa laamaha Amniga dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM...
Wafdigii Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe. Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey ku-xigeenkiisa, C/xakiin Cumar Cameey, Wasiirro, Xidhibaano iyo qaybaha Bulshada. C/weli Gaas, ayaa intaas kaddib ka Warbixiyey safarkii isaga iyo Wafdigiisu ay Muqdisho ku tageen, isagoo Xusay inay uga qayb galeen Kulankii Wada-tashiga...
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Khaatumo, Siyaasiyiin iyo Qaybaha Bulshada, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga soo hor-jeestay go’aannadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa kaloo looga hadlay Doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka iyo qaabka loo qaybsanayo xildhibaanada...
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho lagu qabtay, kaas oo looga hadlayay Doorashooyinka Dalka ka dhici doona Sannadkaan, ayna kasoo baxeen Go'aanno la xiriira Doorashooyinka. Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Wada-tashigii Muqdisho uu ahaa mid...
Shir jaraa'id oo maanta ay ku qabteen odayaasha-dhaqanka ee gobolka Hiiraan madasha uu ka socdo shirweynaha dib-u-hishiisiinta magaalada Beledweyne waxaa ay ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya in ay waqtigan ka shaaqeyneyso sidda ay hadalka u dhigeen colaad lagu dhax abuurayo bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan & Sh/dhexe. Odayaasha ayaa sheegay...
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirkii lagu soo Gunaanaday shalay Muqdisho ee lagu sheegay in Somaliland ay Madax-dhaqameedku ku meteli doonaan soo xulaan xildhibaanada Dowladda Federaalka Somalia, maadaama ay Somaliland xilligaan qayb ka ahayn Maamulada ku shiraya Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadaanni, ayaa sheegay inay dambiile qaran tahay qofkii...
Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro Askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ayaa ku dhintay, in ku dhaw Toban ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay Gudaha Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose. Nooca Qaraxan oo ay warar kala duwan...
Taliye ku xigeenka jabhadda mucaaradka ah ee Dalka Koonfurta Sudan, Alfred Lado Gore ayaa shalay ku laabtay Magaalada Juba, isagoo sheegay inuu Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar la filayo inuu Juba tago Isniinta soo foolka leh. Mucaaradka South Sudan ayaa magaalada xarunta ah ee Juba isaga cararay muddo haatan laga joogo...
Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia ayaa soo dhaweysay go'aannadii Mas'uuliyiinta Soomaalidu ee ku aaddan hannaanka doorashada sannadkan daba-yaaqadiisa ka dhici doonta Somalia. Kulan muddo Saddex Maalmood ah uga socday Magaalada Muqdisho ayay mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maalmul-goboleedyada dalku ku gaareen Heshiis wadajir ah oo la xiriira qaabka...