Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in ay Madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Kooxda Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in 35 Madfac ay ku tureen Garoonka.
“Waxaa jiray madaafiic balse lama garan karo halkii ay ku dheceen”, sidaasi waxaa yiri goob-jooge diiday...
Burcad-Baddeed Soomaali ah ayaa sii daayay Markab shidaal iyo Siddeed shaqaalle oo saarnaa khamiistii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil dhinaca hay’addaha amniga iyo kooxo Burcad-Baddeed ah.
Markabka iyo shaqaallihiisa ayaa la sheegay in madax furasho la’aan lagu sii daayay.
Shaqaallihii saarnaa Markabka oo u dhashay dalka Sri Lanka ayaa gacanta...
Dalka Imaaraadka Carrabta waxaa shalay oo Jimca aheyd ka bilowday Olole dhaqaale loogu uruurinayay dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay daashadeen.
Ololahaan ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa Golaha sare ee Hay’adda Bisha cas ee dalka Imaraadka Carrabta Sheekh Xamdan Bin Zaayid Aala Nahyan iyo ururada kale ee kheeyriga ah ee ka jira...
Ugu yaraan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jimcihii weerartay saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada dowlada Afganstan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.
Weerarkaan waxaa uu ahaa kii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadki 2001.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa iyo 10 maleeshiyo oo watay...
Dowladda Britain ayaa heshiiskii dhawaan ay gaareen madaxda DF iyo hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqeynayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, si ay tartartiib u qaataan masuuliyada hogaanka si nabad loo helo.
Warsaxadeedka waxaa...
Wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka jawaabay digniintii Al-shabaab oo waalidiinta uga digay in aysan carruurtooda u dirin Iskuulada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga aheyn.
Wasiirka waxbarashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digniinta Al-shabaab, isaga oo sheegay in manhajka Sooaaliya uu...
Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qarax miino oo ka dhacay maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Qaraxa ayaa loo malaynayaa in hore loogu sii duugay dhabarka maqaayada, waxaana uu dhacay xilli ay dad ku cunteynayeen maqaayadda.
Cali Maxamed Aadan oo...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.
Farmaajo ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay uu ka qeyb-galay salaadii Jimcaha Masjidka Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada.
Khudbadda salaadda Jimcaha ayaa waxay ku saabsanayd ahmiyadda Garsoorka iyo...
Xildhibaan Ali Al-Deqbasi, ayaa shalay oo jimca aheyd ku baaqay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed oo hadda wajahaya abaaro xooggan iyo xaalad macaluul oo ay wehliso amni xumo.
Ali Al-Deqbasi, oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Kwait, ayaa warsaxaafadeed ka soo dhinac saaray kulankii Wasiiradda Arrimaha debada Carrabta iyo Guddiyada...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkiga kadib markii xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii laga qaaday shacabka dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka teleefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo...

















