Monday, August 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

War ka soo baxay wasaarada arimah dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dalbatay dowladda Mareykanka in ay ka gacan siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Qoraalka ka soo baxay wasaarrada arimaha dibada ayaa u dhiganaa siddan : AMISOM oo ka garab dagaallameysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay...
  Ra’iisal wasaaraha dalka Iraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh Ninweh. War ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baghdad ayuu Al-abadi ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka...
                        Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sh Cusmaan Jawaari ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda Ciida Carrafo u diray ummadda Soomaaliyeed. Madaxda dowladda ayaa dhinaca kale maanta salaada Ciida dad badan kula oogay masjidka Isbaheysiga ee magaalladda Muqdisho. Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalladda Muqdisho iyo guud ahaan magaallooyinka gobollada dalka...
Maanta oo Jimcaha ayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa maalinta koowaad ee munaasabada Ciidul-Adxa oo ka mid ah labada Ciidood oo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah. Masaajidda ayaa lagu oogay Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb-qaateen Tukashada...
 Gollaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii la soo dhaafay mudo kordhin u sameeyay howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana leysku raacay in la dhimo tirada ciidamada AMISOM dhamaadka sanadkan. Qorshaha dhimista ciidamada AMISOM ayaa u gogol xaaraya sidii ciidamada Somaalia loo xoojin lahaa, marka ugu dambeysana loogu...
Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa markii ugu horeysay si dadban uga jawaabay su’aal aheyd waxa ay dowladda ka og-tahay sarkaal ka tirsanaa jabhada ONLF oo la sheegay in dowladda Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya. Su’aashan oo aheyd mid la weydiiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre...
Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyaga oo soo gudatay Acmaal kala duwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka. Maanta oo ah Sagaalka Dulxaj, waxay Xujeydu taagan yihiin Buurta Carafo, halkaasoo ay ku duceysanayaan, waxay joogi doonaan illaa gabal dhaca maanta. Xujeyda ayaa...
                    Qiyaastii 3.1 milyan oo qof, oo u dhigma 25 boqolkiiba bulshada Soomaaliyeed ayaa la saadaalinayaa in ay wajihi doonto xaalladdo bani’aadanimo oo deg-deg ah. Abaarta ayaa waxaa ay qasabtay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo ka barakacsan abaaraha, iyo kuwo kale oo ay cadurro ay soo wajaheen. Nabadgelyo-xumo iyo...
                        30 xubnood oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray Magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay Taliyaha Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada S/guuto Xasan Calasoow Maxamuud. Askarta tababarka ka faa’iideysatay ayaa kala ahaa 5 sarkaal, 11 kormeer, 6 S/xigeen iyo 7 dablay ah. Saraakiisha Boliiska ayaa sheegay...
                    Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe. Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dheceen laba gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu waday 100 neef oo ari...