Wasaaradda Duulista Hawada oo Shaacisey in Garoonka Aadan Cadde uu Habeen iyo Maalinba Shaqeynayo.

0
388

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu shaqeyn doono habeen iyo maalin taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay hormar weyn oo ay sameysan dowladda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu noqday mid caalami ah oo la jaan qaadikaraa garoonada caalamiga ah.

‘’Garoonka waxaa uu furan yahay 6:00 subaxnimo ilaa laga gaaro 10:00 habeenimo waqtigaa oo ay shaqaaluhu diyaar ku yihiin garoonka si ay uga adeegaan bulshada ayuu yiri’’ wasiirka duulista hawada dowladda Soomaaliya.

27-Sano kaddib markii ugu horreysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli habeen ah , waxaa kasoo degtay diyaarad siday dad Shacab ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa jooggay Garoonka Xilliga ay soo deganaysay diyaaraddaasi.

Garoonka ayaa dhawaan lagu xiray nalalka loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan diyaaradaha xilliyadda Habeenkii ah.

warsom2011@gmail.com