Dab xoogan oo goor dhaw ka dhacay Suuqa Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayaa lagu waramayaa in uu ku sii fidayo goobo hor leh oo ka mid ah isla suuqa.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dabkan oo markii hore ka kacay qeybta dharka lagu iibiyo uu hadda ku sii...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dadweyne isku soo baxay kula hadlaya Suuqa Burma ee magaalada Nairobi, ayaa ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamada sare ee Kenya iyo garsoorayaasha ‘’Burcad’’ kaddib go’aankii ka dhanka ahaa natiijadii doorashadii Augusto ee maalintii shalay maxkamadu soo saartay.
Waxaa gabi ahaanba la baabi'iyay natiijadii ka soo...
Barkac xoogan ayaa ka bilaaay deegaanka Cagaare oo dhaca Koonfurta degmada Laascaanood kaddib markii dabley halkaa ay ku dileen Afar ruux sida uu WARBAAHINTA u sheegay Maxamuud Warsame Cali oo ku sugan Karin-dabayl-weyn.
Goob joogahan ayaa sheegay in dabley hubeysn ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob maqaaxi ah waxaana...
Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarraysa David Maraga, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shalay la ciiday Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka.
Farmaajo, ayaa ciidanka ku ammaanay doorka ay kaga jiraan Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka, sida hadalka uu u dhigay.
“Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo oo aan...
Sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada dowladda Mareykanka, ayaa sheegay in suragal ay tahay in wali uu noolyahay hoggaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka Abubakr al-Baqdadi.
Abubakr al-Baqdadi markii ugu horeysay ee la arkay waxay ahayd 2014.
Hadalkaas wuxuu khilaafayaa mid horey uu u sheegtay Ruushka oo ahaa in ciidankooda...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay salaadii ciida Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya kula tukaday dadweyne farabadan, ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doonno howlgalo Shabaab looga sifeynayo gobolada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto, laakiin waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono.
"Maxkamadda go'aan ay gaartay fikir ahaan ma taageersani , laakin waan xushmeynayaa...
Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u dareeray gudashadda salaaddii Ciidal Adxa, waxaana dadweynuhu iskugu soo baxeen garoomada waaweyn ee ku yaalla magaalooyinkoodda.
Dadweynuhu markiii ay ka soo dareereen labadda ragcadood ee salaadda Ciidda ayaa hal mar waxa camirmay wadooyinkii iyo hoteeladdii la iskuguu yimaado, waxaanu qof waliba ku soo labistay dhar...
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka, taasoo uu ku soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Go’aankan ayaa ka dhigaya doorashadii madaxweyne Uhuru Kenyatta mid aan ansax ahayn, loona baahan yahay in mar kale doorashada dib loo qabto.
Go’aanka ayaa sidoo kale doorashadii...


















