Monday, August 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

                    Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa dowladda Kenya ee ka tirsan howlgalka AMISOM, ayaa maanta howlgallo ka wadda Magaalladda Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe Magaalladda Dhoobleey, ku dilay saddex muwaadin oo u dhalatay dalka Kenya. Muwaadiniinta Kenyanka ee la dilaya ayaa waxaa ay ahaayeen Injineero...
Ciidamada amniga Somaliland ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo lagu eedeeyey inuu ku kacay falal amniga ka dhan ah. Taliye ku xigeenka Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in wadaadkan ka hor yimid dhallinyaro dhawaan lagu qabtay iyagoo ku gudda jira tababar...
                  Tiro kamid ah dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ee u dhashay dalka Kenya, ayaa doonaya in ay ka baxaan kooxda, oo ay dib ugu noqdaan dalkooda, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay dagaalyahannadda dhexdooda, sida sirdoonka dalkaasi ay sheegeen. Warbixino lagu kalsoonyahay oo laga helay Police-ka ayaa cadeyneysa in dagaalyahannada...
                    Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada weeraradii sanadkan ay ku qaadeen deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarkii Golweyn, waxaa uu dhacay bishii July ee sanadkan, waxaana ka dhashay khasaare gaaray Al Shabaab iyo ciidamada AMISOM, oo dagaalka uu u dhaxeeyay. Sidoo kale 27-kii bishii August, isla dagaalyahannada Al Shabaab...
                    Koox hubeysan ayaa shalay toogasho ku dilay madaxii ciidamada dalka Lesotho, Khoantle Motsomotso, iyo labo kale oo saraakiil sarsare ah, sida wakaalladda wararka ee dalkaasi ay sheegtay. Mas’uuliyiinta ayaa lagu dilay saldhigyo milatari oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee, Maseru. “Kooxdii dilka geysatay waxaa ay galeen xafiiska madaxii ciidamada ayna toogteen,...
                      Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo maanta oo Arbaca ah lagu waday in kulankoodii caadiga ahaa uu uga furmo xarunta golaha shacabka ee Magaalladda Muqdishu, ayaa dib loo dhigay. Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka, u sheegay in kulanka uu furmi doono maalinta...
                        Hay’adda caalamiga ah ee Hawada Adduunka iyo dowladda Somalia ayaa isku khilaafsan arimo la xiriira maamulka Hawada Somalia ,iyada oo bilahan danbe la hadal hayay suurtagal-nimada ah in  Somalia ay la wareegi karto maamulka buuxa ee hawadeeda. WARBAAHINTA ayaa ogaatay qorshe ay soo jeedisay hay’adda ICAO ,kaasi oo  xadidaya diiyaaradaha...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo maanta ka hadlayay munaasabad loo qabtay Bandhiga shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay habka loo shaqaaleysiinayo 1000 dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta la daah furay sida uu hadalka u dhigay dhawaaqii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo...
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arin xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed oo ah ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax yahay shaqsi ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo...
              Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa maanta shaqa-joojin ku sameeyay 18 Garsoore oo ka hawlgalla Maxkamaddaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada. Guddoomiyaha ayaa shaqa-joojintaasi ku cadeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Garsoorayaashii maanta shaqadda laga joojiyay waxaa kamid ah lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa, waxaana ay...