Godoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit oo SHeegey in Askerigii Amisom ee Dadka Riyidka wax yeeleeyey La xirey.

0
534

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

AMISOM iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay in shilkii dhowaan ka dhacay Isgoyska KM4 magdhow laga bixiyo, isla markaana labada dhinac sameeyeen guddi ka shaqeeya xalinta dhacdooyinkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Baanadir Thaabid Cabdi Maxamed ayaa xarunta Gobolka banaadir ku qaabilay Madax ka tirsan AMISOM oo kiiskan ay ka wadahadleen, waxaana shirka kadib saxaafadda la hadlay guddoomiyaha iyo ku xigeenka Midowga Afrika Simon Malongo, iyadoo ay goobjoog ahaayen Taliyaha Ciidanka AMISOM, Afhayeenka Ciidanka AMISOM, Safiirka Dowladda Uganda ee Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidmada Dowladda ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in askarigii waday Gaarigii dhawaan dhibaatada ka geystay KM 4 iyo Taliyihiisa ay xiran yihiin, isla markaana uu socdo baaritaan, marka baaritaankaasi dhammaadana ay AMISOM qasab ku tahay inay magdhow bixiso.

Ugu danbayn,Guddoomiye ku xigeenka Midowga Afrika ayaa isna sheegay in Ciidamada AMISOM aan loo keenin Soomaaliya inay dhibaateeyaan shacabka, ayna baaritaan ku hayaan askarta tacadiyada lagu eedeeyo, iyadoo uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

warsom2011@gmail.com