Xildhibaanadii Ka Tirsanaa Labada Barlamaan ee Cadaado Gaarey oo waan waantii iyo Nabadeyntii ay wadeen Fashilantey.

0
498

Waxaa lagu guuldareystay dadaalladii Nabadeed ee la doonayay in leysugu keeno dhinacyada isku haya siyaasada Galmudug oo hadda u muuqda mid khilaafkeedu sii xoogeystay.

Xildhaaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda oo halkaa u tagay in ay meel isugu keenaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ka soo hor jeesteen in ay la hadlaan madaxweyne Xaaf, iyaga oo ku adkeysanaya in xilka laga qaaday.

Maalintii shalay xildhibaanno kale oo ka tirsan labada Aqal ee dowladda ayaa ka baaqday safar ay ku tagi lahaayeen degmada Cadaado kaddib markii madaxweyne Xaaf uu ka mamnuucay garoonka diyaaradaha degmadaas dullimaadyada ka imanaya magaalada Muqdisho.

Qalalaasaha siyaasadeed ee Galmudug oo ka soo bilaawday go’aankii madaxweyne Xaaf uu ka qaatay khilaafka Khaliijka ayaa waxaa uga sii darray kaddib markiii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka ku dhawaaqeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha oo dhinaciisa arintaa ku gacan seyray.

Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn Xaaf oo lagu eedeeyay in uu xabsi Guri ka dhigay madaxweyne ku-xigeenkii maamulka iyo guddoomiyihii baarlamaanka oo labaduba warbaahinta u sheegay in ay ku xiran yihiin madaxtooyada Cadaado.

Dowladda Soomaaliya oo mar kaliya arintan ka hadashay waxaa ay taageertay go’aankii xildhibaannada Galmudug xilka uga qaadeen madaxweyne Xaaf waxaana ay dowladdu ku baaqday in la ixtiraamo go’aanka xildhibaannada.

warsom2011@gmail.com