Sunday, August 30, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhinaca kalana guuddoomiye ka ah madal ay ku midoobeen madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, ayaa sheegay in ay aqbaleen ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee 28ka bishan ka dhacaya Muqdisho. ‘’Anniga oo ku hadlaya Afka madasha maamul gobolleedyada dalka...
 Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go'aan ka gaarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay Khamiista. Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab degdeg ah oo loo soo gudbiyay oo ku aadan in dib loo dhigo doorashada. Hogaamiyaha...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali khayre ayaa maanta lagu wadaa in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga. Xubno ka tirsan xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in ra’iisal wasaare Khayre uu maanta anbabaxayo dalka Turkiga, isaga oo halkaasi...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in aysan diyaar u aheyn waqtigan wax ka qabashada nabad-galyada dalka iyo dib –u-heshiisiin loo sameeyo bulshada Soomaaliyeed. Cali Jeyte ayaa sheegay in dowladda dhexe ay mashquul ku tahay sida uu hadalka u dhigay siyaasado kale, halkii loo...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada gobolka ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigii la socday waxaa garoonka diyaaradaha Addis Ababa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay wasiirka Arrimaha dibadda...
maalintii 3aad ee ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa maanta waxa dhoolatus balaadhan ku soo dhigay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ahayd maalintii uu ololaha u lahaa. Goboladda waaweyn ee Somaliland waxa uu xisbiga WADANI u kala diray madaxdiisa sar sare, waxaana magaaladda Hargeysa dadweynaha taageera xisbiga...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo magaalada Jowhar uga qeybgalay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo hadal qaaday khilaafka DF iyo maamul gobolleedyada. Ra’iisal wasaaraha ayaa qiray in uu jiro wax xooggaa kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo u dhaxeysa DF iyo maamulada dalka...
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dawooyin loogu tala galay dadkii ku wax yeeloobay Qaraxii 14-tii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay dawada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Waxa ay sheegeen in dowladda Imaaraadka Carabta ay kaalin muuqda...
                          Somalida ku nool magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa isugu yimid kulan baroor diiq ah oo lacago loogu aruurinayay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii asbuucii  hore ka dhacay magaalada Muqdisho , isla markaana ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qof. Qaraxan ayaa si dareen leh waxa uu u wada taabtay dhamaan...
  Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shbeelle waxaa Goordhow gaaray Madaxda maamul goboleedyada si ay uga qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweyne Waare. Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed,Puntland, iyo Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaana iyana...