Dalka Talyaniga Madaxii Maaliyadda oo Xabsi ku Geeryoodey iyo Dadka Dalkaasi sida ay u arkaan.

0
397

 

Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore ‘Toto’ Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla magaalada Parma, kadib markii uu muddo la dagaalamayey cudurka cancer-ka. Waxaa uu ahaa 87 jir.

Riina ayaa dhintay subaxnimadii jimcaha saacado kadib markii wasiirka caddaaladda talyaaiga uu qoyskiisa u ogolaaday inay sariirta ku booqdaan maalintii khamiista oo ahayd dhalashadiisa.

Ninkan oo loogu yeeri jooray “Madaxa madaxda” ayaa ahaa mid ka mid ah aabayaasha Maafiyada Sicily ee sida aadka ah looga cabsado, wuxuuna qaadanayey xabsi daa’in.

Riina ayaa hagayey ficillada maafiyada muddo 23 sano oo uu isqarinayey, waxaana la tuhunsann yahay inuu amray dilka 150 qof.

Dilkii ugu caansanaa ee uu amro ayaa ahaa dilka sanadii 1992-kii lagu kacay laba xaakim oo kasoo horjeeday Maafiyada oo kala ah Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, kuwaas oo maxkamadeeyey 300 oo xubno maafiyo ah sanadii 1987-kii.

warsom2011@gmail.com