Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiga Waddani oo Wada Hadallo u Furmeen.

0
390

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI islamarkaana ah musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shacabka ku dhaqan Soomaaliland iyo taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay in nabad-galyada laga shaqeeyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu socdo ama bilaawday wadahadal u dhaxeeya Xisbiga iyo guddiga doorashada Soomaaliland oo wax looga qabanayo cabashada uu qabo Xisbiga ee la xiriirta doorashada.

‘’Wx walba waxaa ka muhiimsan in la ilaaliyo Amniga iyo xasiloonida, wadahadal ayaa inoo bilaawday Annaga iyo guddiga doorashada ‘’ ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Xisbiga WADANI ayaa sheegay in ay dhacday ku shubasho doorashadii ka dhacday Soomaaliland , Isniintii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga WADANI ayaa ka baxay doorashadda kaddib markii ay sheegeen in guddiga doorashada ay ka jawaabi waayeen cabashadooda

warsom2011@gmail.com