Sunday, August 30, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan degmada Doolow ee gobolka Gedo. Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur oo ah wasiirka Amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala-galay in ay dagaal la galaan dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid...
Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray weerar duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigyo Daacish ku lahaayeen waqooyi bari Soomaaliya, gaar ahaan buuraleyda Buqa ee agagaarka degmada Qandala ee Gobolka Bari. Labo weerar oo cirka ayaa lagu beegsaday saldhigyo Daacish ku sugnaayeen oo ku...
Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa maanta si KMG ula wareegay xilka taliyaha ciidamada booliiska, kaddib markii dhawaan xubnaha gollaha wasiirada xilkii ka qaadeen taliyihii ciidamada Jen C/xakiin Daahir Saciid Jen. Saacid ayaa ku sheegay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidamada. Jen, Mukhtaar...
Odayaasha 135-ta ah ee soo xulay xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay ku taageereen qorshaha dowladda ee xasilinta dalka. Odayaasha ayaa dhinaca kale si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ka soo gudbeen xudduuda uu gobolka la wadaago Itoobiya. Ciidamadan ayaa gaaraya illaa Kun Askari, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay wataan hub culus. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in illaa 50 Xildhibaan ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaannada aya madaxweynaha Koonfur Galbeed ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa faray wakaaladda ilaalada xuduudaha ee dalkaas in ay adkeeyaan baadhitaanka dadka ajaanibka ah ee gala Maraykanka. Waxaanu amarkan soo saaray ka dib weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay. Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa...
Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta mar kale kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kulan ka yeelanayaan xaalada amni ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa amni darada ka jirta Muqdisho. Kulanka Guddiyada Difaaca iyo Amniga baarlamaanka oo looga ka doodayo xaalada amni...
Wasiirka Dekeddaha ee dowlad gobolleedka Puntland Saciid Maxamed Raage oo la hadlay warbaahinta degaanada maamulkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafka cirka isku sii shareeray ee u dhaxeeya ganacsatada Boosaaso iyo Shirkadda DP-world. Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dejiyo xiisada, maadaama uu tilmaamay heshiiska lala galay...
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen magaaalada Muqdisho. Munaasabada wareejinta ciidamada ayaa ka dhacday Xerada Jeneraal Gordan iyadoo lagu wareejiyay dalka ciidamada xoogga Ciidamadan gaaraya 311 askari oo qalabkooda u dhameystiran yahay. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka...