Saturday, August 29, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

                                    Hay'adda Rapewatach International oo fadhigeedu yahay Somalia , isla markaana u dood-da xuquuqda haweenka iyo caruurta  loo gaysto tacdiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa dowladda Puntland ka dalbatay in cadaalad-da la marsiiyo askari bishii hore gabar dhalinyaro ah ku kufsaday magaalada Bosaso. "Walaal arinta dhacday waxa ay mudan-tahay in si...
Khubaro arrimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya. Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay kaddib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer Yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in lacag dhan $ 1 million oo dollar dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wargaliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaddib booqasho maalintii shalay uu ku tagay xarunta wasaaradda difaaca. Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidamada xoogga dalka dhaqdhaqaayada militari oo durbaba ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah dalka, isaga oo sheegay...
                    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah in uu sameysto gantaalada iyo hubka niyuukleerka. Trump ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu...
                      Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa aya ku amray ganacsatada ku dhaqan magaalada Beledweyne in ay qaataan lacagta shilling Soomaaliga. Guddoomiyaha ayaa ayaa sheegay in qaar ka mid ah deegaannada kale ee gobolka si caadi ah looga isticmaalo lacagtan Shilling Soomaaliga, sidaa daraadeed aysan jirin sabab looga diido magaalada...
Wararka ka imanaya degmda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Cali Xusseen,waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku dhaqan degmada...
Tirada ciidamada howlgallka midowga Africa AMISOM ayaa la sheegay in la dhimayo ilaa 1000 askari dhammaadka sannadkan Franscisco Madeira madaxa hawlgalka AMISOM ayaa maanta ugu sheegay weriyayaasha magaalada Muqdisho dhimista ciidanka darted uu jiri doono dhaqdhaqaaq badan oo ciidamada AMSIOM ah waxaase uu ka digay inaysan arrintaasi noqonin mid keenta...
Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Bayle  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay canshuurta laga qaado wax-yaabaha laga soo dejiyo dekedda Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay wasaaradda dul saartay...
Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta wasaaradda gaashaandhigga wasiiru- dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka iyo saraakiisha ugu sarraysa ciidamada xoogga dalka. Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee ciidamada xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab. Saraakiisha ciidamada ee uu la...